WorldRemitAds

Haweenay ka tirsan mudanayaasha barlamaanka dalka Ciraaq, ayaa sheegtay inay kafaalo qaadi doonto, muwaadin kasta oo doonaya inuu xaas labaad guursado ama minyaraysto, oo sida ay sheegtay ay taageero balaadhan oo dhaqaale ay siin doonto.

Xildhibaan Jamiila Cabiidi ayaa sheegtay in raga xaas labaad ama sadexaad guursanaya ee dalkeeda ay ka caawin doonto, masaariifta iyo guriga uu ku aqal galayo oo ay muddo sanad ah siin doonto biilka qoyskiisa cusub, kana bixin doonto kirada guriga.

Balan qaadka Xildhibaanadan reer Ciraaq oo noqday mid aad uga yaabiyay dadka badankooda, ayaa noqonaya dhacdo ugub ah oo aan nooceeda oo kale haweenka looga badan, waana sababta keentay in dad badani qariibsadaan.

SomlegalAds

Hasa yeeshee Xildhibaan Jamiila ayaa cadaysay inay ka go’an tahay oo ay muwaadin kasta oo xaas labaad ama sadexaad guursada, ay taageero balaadhan oo uu aad ugu farxo siin doonto, kana kafaalo qaadi doonto waxyaabo badan oo nolosha qosykiisa cusub ku saabsan.

Xildhibaan Jamiila oo haweenka carmalka ah ee ragoodi kaga dhinteen colaadaha dalka Ciraaq u ololaysa ayaa hore barlamaanka dalkaas u gaysay, mooshin taageero dhaqaale iyo horumarin lacageed loogu qoondaynayo haweenka Carmalka ah, waxaanu mooshinkaasi soo jeedinayay in malaayiin dollar miisaaniyada dawlada looga qoondeeyo haweenka carmalka ah.

Xildhibaanadan ayaa bogeeda Twitter-ka ku baahisay qoraal ay kaga hadlayso taageero dhaqaale oo ay siin doonto nin kasta oo xaas labaad ama sadexaad guursanaya, waxaana ka mid ah, kirada guriga ay degayaan iyo gaadhi ay ku danaystaan oo ay muddo sanad ah ka bixin doonto.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.