WorldRemitAds

Haweenayda safiirka dalka Holland u fadhida dalka Suudaan, Ambassador Susan Blandkhart, oo hore wacad ugu martay, inay dabaal kaga talaabi doonto wabiga Niil ee dhex mara magaalada caasimadda u ah dalka Sudan ee Khartuum ayaa kaga dhabaysay.

Susan Blandkhart oo sadex iyo lixdan jir da’deedu tahay, ayaa hore u sheegtay inay dabaal kaga talaabi doonto wabiga Niil, taas oo ujeedadeedu tahay, sidii ay dunida ugu baraarujin lahayd, dhibaatada haysata dadka afrikaanka ah ee doonyuhu kula qaraqmayaan bada u dhaxaysa Yurub iyo Afrika.

Safiirka Holland Ee Dalka SudanSusan ayaa markii dabaasha ay bilaabaysay, kaga dhacday wabiga barxada safaarada dalkeeda ee Magaalada Khartuum, taas oo ku taala wabiga geerkiisa, halkaas oo ay ka quustay ka dibna ay ka bilawday dabaasheeda, waxaanay dhex qaaday biyaha wabiga ee sida mawjadaha u rogmanaya.

SomlegalAds

In kasta oo aanay dabashaa ku kali ahayn oo ay wehelinayeen, ilaa lix qof oo safaaradeeda ka tirsan iyo todoba gabdhood oo saaxiibadeeda reer Sudan ah, qaar ka mid ah ilaalada wabiguna galbinaysay, hadana waxa ay haweenaydan danjiraha u ah, dalka Holland una fadhida dalka Sudan, ku guulaysatay inay iyadoo 63-jir ah ay dabaal kaga talowdo masaafo boqol iyo konton mitir ka badan oo wabigu aad u kacsanaa.

In kasta oo ay haweenaydani ku doodayso inay wacyi gelin iyo in xaalada dadka afrikaanka ah, loo soo jeesto awgeed ay halis u gelisay nafteeda, kana damqatay dhimashada iyo dhibaatada afrikaanka ku haysata bada u dhaxaysa Afrika iyo Yurub, ayaan la garan Karin, sida wacyi gelinteedu u raadayn doonto Yurub iyo Afrika labadaba.

Hasa yeeshee marka intaas laga soo gudbo, waxa ay danjiraha Netherland ku guulaysatay inay toban kun oo qof, oo saaxiib kala ah, Facebook ay u bogeen dedaalkeedan, (Like)-na ay siiyeen bogeeda saacado yar gudahood markii ay dabaasha dhamaysatay.

Danjire Susan ayaa markii ay ka soo baxday dabaasha iyadoo qoslaysa, warbaahinta ku tidhi, “Waxay ahayd jawi aad u wanaagsan, waxaanan dadka kula talin lahaa inay wabiga u dabaal tagaan, si ay jawiga macaan iyo neecawda u dareemaan.” Ayay tidhi.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.