WorldRemitAds

Haweenka Hindiya Oo Loo Ogolaaday Duulinta Diyaaradaha Dagaalka – Taliyaha ciidamada cirka dalka Hindiya Marshal Arup Raha oo warkan xafiiskiisa ka soo saaray, ayaa sheegay in dawlada Hindiya ogolaatay in haweenku duuliyayaal ka noqon karaan, diyaaradaha dagaalka.

Taliyahan ayaa sheegay in markii hore sababo jira awgeed looga mamnuucay, balse markii la helay, duliyayaal haween ah oo u tababaran loo ogolaaday inay duulin karaan, wallow aan todobaadkan iyo bishan midna aanay noqonayn balse sida ugu dhakhsaha badan loo fulin doono.

Dalka Hindiya ayaa muddo badan haweenka u diidanaa inay duuliyayaal ka noqdaan diyaaradaha dagaalka, hasa yeeshee markii dalka xafiiltanka wayni u dhexeeyo ee Bakistan ogolaatay ayay sida dadka ka faalooda arrimaha milatarigu sheegayaan ay khasab ku noqonay inay wax ka badasho diidmadeedi hore.

SomlegalAds

Haweenka Hindiya Oo Loo Ogolaaday Duulinta Diyaaradaha DagaalkaMarshal Arup Raha ayaa war saxaafadeedkiisan ku cadeeyay in hore diyaaradaha rakaabka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Helicopters-ka loo yaqaano, loogu ogolaaday oo ruqsad loo siiyay haweenkuinay duulin karaan, laakiin imika si buuxda loogu ogolaaday in diyaaradaha dagaalkana ay duuliyayaal ka noqon karaan.

In kasta oo ay Hindiya leedahay ilaa kun haween ah oo duuliye diyaaradaha dagaalka ah loo tababaray, haddana may ahayn kuwa shaqeeya oo sida dhigooda raga ah, u duulin kara diyaaradaha ama loo ogol yahay wakhtiyada dagaalada iyo hawl galada Milatari.

Sababta ugu wayn ee Hindiya haweenka ugu diiday inay duuliyayaal ka noqdaan diyaaradaha dagaalka ayay ku sheegi jirtay, in ay uga baqayso in haddii gabadh duuliye ah la qabto la jidh dilo ama sir looga helo si fudud.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.