WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, December 06, 2018 (Saxafi) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ka qayb-galay kulan ballaadhan oo ay qaar ka mid ah haweenka Somaliland ku qabsadeen caasimadda Hargeysa.

Kulankan oo ay soo abaabuleen ururrada iyo dalladaha kala duwan ee haweenka Somaliland ku leeyihiin gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana lagu faaqidayey caqabadaha haweenka ka haysta dhinaca ka qayb-galka siyaasadda, ayuu madaxweynuhu  muddo saacado ah haweenka kaga dhegaystay dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta, waxana uu muujiyey sida uu madaxweyne ahaan diyaarka ugu yahay inuu gacan buuxda uga geysto sidii bulshadu ugu baraarugi lahayd kaalinta mugga leh ee ay haweenku kaga jiraan jiritaanka mujtamaca.

SomlegalAds

Guddoomiye-ku-xigeenka ururka haweenka ee NAGAAD,  Marwo Khadra Cumar Xuseen oo ugu horrayn kulanka ibo-furtay, ayaa ku dheeraatay kaalinta ay haweenku kaga jiraan bulshada iyo sidii ay ugu soo dhabar-adaygeen xaaladihii adkaa ee waddanku soo maray, waxana ay hoosta ka xarriiqday inay muhiim tahay in abaalkooda il gaar ah lagu eego oo xilalka qaran ee ay xaqa u leeyihiin loo igmado.

Xubno kamid ah labeenta iyo haldoorka haweenka reer Somaliland oo iyaguna madasha hadallo kooban ka jeediyey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey sida uu waqtiga u siiyey inuu dhegaysto caqabadaha dhinacyada kala duwan ee nolosha ka  haysta haweenka, isla markaana uu diyaarka ugu yahay inuu qaybtiisa ka qaato suulinta caqabadahaas.

Wasiirrada  wasaaradaha Arrimaha gudaha iyo  Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo Qoyska Mudane, Maxamed Kaahin Axmed iyo Marwo Hinda Jaamac Gaanni oo iyaguna kulanka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday sida ay lama taabtaanka u yihiin haweenka Somaliland, waxana ay intaas ku dareen in xukuumaddu ku baraarugsan tahay muhiimadda haweenka, islamarkaana ay wixii itaalkeeda ah diyaar ula tahay inay xilal culus u igmato, sida haddaba ka muuqata dhismaha xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi hoggaamiyo.

Haweenka Somaliland Oo Qabtay Shir Ay Ku GarnaqsanayaanMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa si weyn u bogaadiyey kulanka ballaadhan haweenka reer Somaliland ee ay kusoo bandhigayaan caqabadaha iyo dhibaatooyinka guud ahaanba nolosha ka haysta, waxana uu shaaciyey inuu si toos ah iyo si dadbanba uga hawlgelayo sidii  caqabadahaas looga gudbi lahaa.

Madaxweynuhu wuuu muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay inay haweenku si aan qarsoodi lahayn usoo bandhigaan tabashooyinka ay qabaan iyo helitaanka xuquuqda ay aaminsan yihiin inay ka maqan tahay, “Aad baan ugu faraxsanahay haweenku inay is abaabulaan oo gartooda sheegtaan, aad baanan usoo dhaweynayaa inay tabashadooda kor u sheegaan oo ay si dhiirran uga hadlaan, madaxweyne, xukuumad, Baarlamaan iyo cid kasta oo arrintu ku xidhan tahayba inay la hadlaan oo la maqlo aad iyo aad baan usoo dhaweynayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in lagu gudo-jiro sidii looga gudbi lahaa dhammaanba caqabadaha siyaasadeed iyo kuwa dhaqan ee haweenka Somaliland ku gedaaman,  islamarkaana loo baahan yahay sidii loo hirgelin lahaa shuruucdii caqabadahaas lagaga gudbi lahaa, waxana isaga oo arrimahaas  ka hadlaya uu yidhi, “Waxaynnu ku jirnaa geeddi-socodkii bulshadeenna waxyaabo badan lagaga beddeli lahaa iyo inay dumarku xuquuqdooda siyaasiga ahi halka la doonayo soo gaadho, waxana aynnu ku heshiinaynaa inaynnu geeddi-socodkaa xoojinno, waxana aynnu geeddi-socodkaas ku xoojinaynaa xagga shuruucda.”

 Madaxweynuhu waxa uu haweenka hortooda ka sheegay Inuu xeer madaxweyne kooto ugu xidhay Barnaamijka shaqo qaran  oo ay haweenku si gaar ah imtixaan ugu geli doonaan oo aan wiilasha waxba lala wadaajin doonin, isla markaana ay xukuumaddu diyaarisay xeer kuraas  gaar ah u dabraya haweenka u tartamaya kuraasta goleyaasha deegaanka iyo wakiillada, isaga oo haweenkana ka codsaday inay ansaxinta xeerkaas culays ku saaraan goleyaasha guurtida iyo wakiillada.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.