WorldRemitAds

Hay’adda ICG Run Kamay Sheegin Mawqifka Farmaajo Ee Dagaalka Tukaraq By Cabdiraxmaan Cadami

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami ayaa si adag u naqdiyey warbixin ay soo saartay hay’adda caalamiga ah ee xasaradaha adduunka ee ICG (International Crisis Group).

SomlegalAds

Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo war murtiyeed Soo Saaray ayaa ku sheegay inaanay ICG run ka sheegin mawqifka uu madaxweynaha Somalia ka taagan yahay colaada Tukaraq, waxaanu warkiisu u dhignaa sidan

Hay’adda Caalamiga ah ee Xasaradaha Adduunka (International Crisis Group) oo loo soo gaabiyo ICG waxay 27-kii Bishii June 2018 soo saartay Warbixin ku saabsan dagaalka Tukaraq.

Warbixintu waxay ka warramaysa dagaalladii ka dhacay xuduudka Somaliland iyo Somalia, waxay qodob qodob u qeexaysaa saamaynta ay iska hor imaadyadaasi ku yeelan karaan dhinacyada ku dagaallamaya.

Warbixinta ICG waxay walaac ka muujisay in aanay jirin cid isku taxluujisay xallinta khilaafka iyo sidii loo soo afjari lahaa colaadda.

Waxa se xusid mudan in warbixinta ICG ay gardarrada iyo weerarkaba dusha ka saartay maamul goboleedka Puntland iyo kuwa ka hagaya daaha dabadiisa, warbixintu waxay si cad u beenisay sheegashadii ahayd in ciidamada Qaranka Somaliland ku soo duuleen si loo majaro habaabiyo ra’yul caamka iyo Beesha Caalamka; hase ahaatee markii la ogaaday xaqiiqada iyo ciddii dagaalka bilawday xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia iyo Somaliland wuxuu ka gaabsaday in uu Puntland ku cambaareeyo ama ku eedeeyo weerarkii gardarrada ahaa.

Si kastaba ha ahaatee kooxdu warbixintooda waxay si dadban ugu tilmaantay in Farmaajo dhexdhexaad ka yahay dagaalka Tukaraq iyaga oo doodooda ku salaynaya kaliya khudbad iyo baaq nabadeed oo uu ka jeediyay munaasibad loogu magac daray xuska sanad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay gobanimadii Somaliland, baaqaas oo ahaa in Puntland iyo dawladda Somaliland joojiyaan dagaalka.

Hay’addu bogaadin kadib madaxweyne Farmaajo waxay ku boorrinaysa in uu sii wado dadaalka iyo baaqyada nabadda.

Haddaba qaylo dhaanta ka soo yeedhaysa qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliya, madax dhaqameedka, warbaahinta Muqdisho qaarkood iyo xogo laga helayo diblamaasiyiinta Xamar ku sugan oo dhammaantood farta ku fiiqay doorka xukumadda Farmaajo ku leedahay dagaalka ka sakow waxa la og yahay oo makhraati ma doon ah ficilladii uu kaga qayb qaatay dagaalka kuwoodii la arki karayay:-

Waxa ka mid ah diyaarado hub iyo saanad military ku soo daabulayay Garoowe dhaawacana u sii qaadayay Xamar.

Dawladda Farmaajo waxay Garoowe u soo dirtay saraakiil sarsare oo ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya si ay u hawl galiyaan ama u hoggaamiyaan maleeshiyada Puntland.

Xogo sirdoon oo lagu kalsoonaan karo iyo idaacado caalami ah waxay sheegeen in hubkii dhawaan Jabuuti laga raray ee Muqdisho gaadhay in Puntland iyo aagga Tukaraq loo sii gudbiyay.

Waxaan Iyana qarsoodi ahayn booqashadii Madaxweyne Farmaajo ku marayay cisbitaallada Xamar si uu niyadda ugu dhiso dhaawacii Puntland laga keenay iyo codsi uu dawladda Turkiga kaga dalbanayo in ay ka caawiyaan daawaynta kuwa qaba dhaawacyada culus.

Haddaba iyada oo waxaas oo caddaymo ah loo hayo sidee ayay hay’adda ICG uga suurto gashay in ay Madaxweyne Farmaajo ku tilmaanto in uu dagaalka dhexdhexaad ka yahay. Waxaan u malaynaya laba sababood midkood ama labadaba:-

In cilmi baadhistoodu tahay daciif ku dhisan mala awaal iyo warar ku tidhi ku-teen ah iyo weedho laga soo xigtay Farmaajo oo afka baarkiisa ah iyo in ay ICG doonayso in beesha caalamka laga qariyo hubkii iyo dhaqaalihii dawladda Federaalka lagu siiyay la dagaallanka Alshabaab ee loo xawilay xuduudaha Somaliland si dhulkaa nabadda ah xasillooni darro looga abuuro.

Su’aashu waxay tahay sidee loogu kalsoonan kara warbixinaha ICG oo dawlado iyo ururo caalami ahi ku go’aanno qaatan xogta ay ka soo ururiso meelaha ay xasaraduhu ka jiraan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.