WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, August 4, 2018 (Saxafi) – Hay’adda shaqaalaha dawladda ee Somaliland, ayaa ku dhawaaqday tartan  Deeq Waxbarasho oo  heerka 2aad ee (Masters degree)-ga  ay shaqaalaha dawladda ee Somaliland ugu deeqdaya Jaamacadda Dawladda ee waddanka Itoobiya.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaaalaha Dawladda ee Somaliland md Sharmarke Axmed Muxumed Geelle, ayaa shaaciyey Deeqda Waxbarasho ee shaqaalaha dawladda Somaliland ay ugu deeqday Jaamacadda dawladda ee Itoobiya, isaga oo shaaciyey shuruudaha looga baahan yahay tartamayaasha danaynaaya inay ku guulaystaana ama ka qaybgalaan Deeqdaasi waxbarasho oo shuruuda 1aad ay tahay in dadka CV-dooda soo xaraysan karaa ee tartanka ka qaybgeli karaa ay yihiin kaliya shaqaale dawladda Somaliland u shaqeeya cid kale oo aan dawladda u shaqayna aan CV laga qaban doonin.

SomlegalAds

 Sharmarke Axmed Muxumed Geelle oo ku dhawaaqay tartanka loo geli doono deeqdan waxbarasho ee dawladda Itoobiya siisay shaqaalaha dawladda ee Somaliland iyo sida looga qaybgeli karo wuxu yidhi.

 “Sida aad la socotaan, Sannad walba Hay’adda Shaqaalaha Dawladdu iyaga oo kaashanaya Machadka Shaqaalaha Dawladda waxa ay bixiyaan deeq waxbarasho oo ay ka helaan Jaamacadda Shaqaalaha Dawladda ee Dalka Itoobiya (Ethiopian Civil Service University).

Haddaba, si taas lamid ah sannadkan waxa aanu Jaamacadda Shaqaallaha Dawladda Ethiopia ka helnay deeq waxbarasho oo heerka labaad ah “Masters Degree”

Sidaa darteed, shaqaallaha Dawladda ee buuxiya shuurdaha hoos ku xusan waxa aan ku wargelinayaa in ay degdeg ula xidhiidhaan Wasaaradda/Ha’adda dawladeed ee ay ka hawl-galaan si ay fursad ugu helaan tartanka loo gelayo fursadahaa waxabarasho.

Shuruudaha Codsadaha:

  1. Waa inuu/inay yahay/tahay Somalilander
  2. Waan inuu/inay yahay/tahay shaqaale dawladeed
  3. Waa inuu/inay ugu yaraan soo shaqeeyay/say 2 sanno
  4. Waa in aanay da’diisu/da’deedu ka waynayn 45 jir
  5. Waa inuu/inay haysto/haysato shahaadada jaamacadda heerka koowaad
  6. Waa inay celceliska dhibcaha qalinjabinta shahaadada jaamacadda heerka koowaad yahay ugu yaraan (CGPA=3.50)

Kobcinta aqoonta shaqaallaha dawladda Somaliland iyo daah-rognaanta fursadaha waxbarasho iyo shaqo waa halbeega hiigsiga u ah Hay’adda Shaqaallaha Dawladda Somaliland”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.