WorldRemitAds
Hargeysa, Somaliland, February 26, 2016 (Saxafi/TAFnews) – Hay’ad qaabilsan doodaha horumarinta ganacsiga oo lagu magacaabo Trade Advocacy Fund ama TAF ayaa sheegtay in ay taageerayso wada hadallo ganacsi oo u socda Somaliland iyo Itoobiya.

 Qoraal ay hay’ada TAF maalintii shalay ku baahisay shabakad ay ku leedahay Internet-ka ayaa waxa ay kaga war bixisay ujeedada ay ka leedahay wadahadalkan iyo kaalinta ay kaga jirto, waxana uu qoraalkaas oo aanu idiin soo turjunay u dhignaa sidan “Ilaa sanadkii 2013, hay’ada TAF waxa ay siisaa Somaliland talooyin iyo taageero. Muhiimadayada koowaadna waxaa weeye, sidii aan uga caawin lahayn Xukuumadda Somaliland wada xaajoodka laba geesoodka ah ee iskaashiga ganacsi ee ay la leeyihiin dalka la deriska ah ee Itoobiya oo muhimad istaraatiijiyadeed leh. Ilaa imika, hawlgalkayaga shaqo waa sidii aanu diirada u saari lahayn horumarinta heshiis qabyo qoraal ah oo la xidhiidha ganacsiga iyo isu socoda gaadiidka labada dal ee 2005 la bilaabay.
Hayada Trade Advocacy Fund waxa ay maal-gelisay kalfadhiyada horumarinta qaab-dhismeedka iyo awoodda xirfadda qaar ka mid ah shaqalaha xukuumadda Somaliland oo tababaro ku siisay sidii ay u heli lahaayeen faham sareeya oo ku waajahan horumarinta ganacsiga, macnaha xidhiidhada gobolka iyo caalamka iyo sidii ay uga midho dhalin lahaayeen kullamada dhexmaraya dhigooda Itoobiya.
Tababarradan oo qabsoomay dabayaaqadii sanadkii 2015 gaar ahaan, bishii December, waxaa ay ku saabsanaayeen adeegyadda ganacsiga iyo muhiimadda ay u leedahay koritaanka dhaqaalaha Somaliland. ”
Qoraalka waxa kale oo lagu sheegay in tababaradda ay sii waday islamarkaana sidoo kale bishii aynu ka soo gudubnay ee January ay 18 masuul u qabatay tababar amuurtan la xidhiidha.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.