WorldRemitAds
Paris, Faransiis, December 14, 2015 (Saxafi) – Shirkii caalamiga ahaa ee is-beddelka Cimiladda Dunida ayaa laga soo saaray heshiis ah in la dhimo Qiiqa hawada lagu sii daayo ee keenay in cimiladu kululaato.

In ka badan laba boqol oo wadan ayaa ka soo qaybgalay shirkan lagaga hadlayey Cimiladda kaasi oo ka socday magaaadda Paris ee dalka Faransiiska.
Cimiladda XumaatayMadaxda shirka ka qaybgalaysa ayaa muddo laba todobaad ah ka doodayay in ay isla meel dhigaan sidii dalalka hodanka ah iyo kuwa saboolka ahba ay iska kaashadaan xakameynta qiiqa warshadaha iyo gaadiidku ay hawada kusii daayaan.
Qodobada lagu heshiiyay waxaa ka mid ah in laga shaqeeyo sidii diiranaanta sii kordhaysa ee caalamka celcelis ahaan loogu heyn lahaa in ka hooseysa laba darajo cabirka kuleylka lagu cabiro, isla markaana lasii waddo dadaallada lagu hiigsanayo in heer kulka la xadeeyo iyo in la garowsado ahmiyadda dhismista halista iyo saameynta isbedelka cimiladu ay u leeyihiin dunida iyo aadanaha iyo noolaha dul jooga.
Xog-hayaha Guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa ku boorriyay waddamada Xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ee kulankaas ku suggan inay ansixiyaan heshiiskan qabya qoraalka ah si uu u noqdo mid dhaqan-gal ah.
Madaxweynaha Faransiiska, Francois Hollande oo uu dalkiisu marti-gelinayay kulankan ayaa u sheegay ergada in wax ka qabashada cimilada caalamka ay tahay go’aan gacantooda ku jira.
Sidoo kale, madaxweynaha Mareyknaka Barack Obama oo qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ku sheegay inuu soo dhaweynayo heshiiskan oo uu ku tillmaamay mid aad u weyn.
Ugu dambeyn, heshiiskan ayaa wuxuu dhigaya in $100 bilyan oo doollar lagu maal-geliyo dalalka soo koraya, si ay uga qeyb qaataan wax ka qabashada is-bedelka cilimada Dunida.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.