WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 21, 2016 (Saxafi) – Laba shirkadood oo caalami ah oo soo saara gaadiidka, ayaa waxaa maalintii shalay magaalada Hargeysa waxa ku dhexmaray heshiis wada-shaqayneed oo ay labada shirkadood yeelanayaan.

Labada shirkadood ayaa kala ah Shirkadda Toyota S3 iyo Shirkadda kale ee Sino Truck oo laga leeyahay dalka Shiinaha, waxaanu munaasibaddii ay heshiiskan iskaashi labada shirkadood ku kala saxeexdeen uu ka dhacay xarunta shirkadda Toyota S3, iyadoo ay goob-joog ka ahaayeen masuuliyiinta labada shirkadood ee Toyota S3 oo Somaliland ay wakiil uga yihiin muwaadiniin Somaliland u dhashay, halka shirkadda Sino Truck ay kulankaas u joogeen masuuliyiin u dhashay dalka Shiinaha.

Sino Truck, oo ah shirkad Caalamiya oo ka ganacsata ama soo saarta gaadiidka Xamuulka ah ayaa markii u horaysay xarun ka furanaysa Somaliland iyada oo ay wakiil ka tahay shirkadda kale ee Gaadiidka Toyota S3, qaybteeda Somaliland.

SomlegalAds

Ugu horayntiina waxa kulankaasi hadal ka jeediyay Guddoomiyaha Qaaradda Africa ugu xilsaaran shirkadda Sino Truck, Mr Ni, iyo Madaxa Iibka ee Africa Mr Teo, waxaanay sheegeen in Shirkadoodu tahay mid heer Caalamiya, sannadihii u danbeeyayna si weyn kor ugu qaaday Suqeeda Afrika, iyada oo wadamada ugu badan ku leh Xarumo halka ay kuwa kalena ku leeyhiin wakiilo iyaga metala.

Guddoomiyaha Nino Truck ee Africa Mr Ni, oo ugu horayn halkaasi ka hadlay waxa ka mid ahaa hadaladisii “Shirkadayadu waa mid caalamiya xaruma badana ka furatay Africa, waxa aanu kaga duwanahay shirkadaha kale waa shaqadii lagaga qabanayay wakaalada debeda oo aad mid walba ka helayso xarunteeda iyada oo baabuurta aad u dirsataana ay si toosa kugu imanayaan waxanay kugu adeegaysa qimaha ugu macquulsan, fariinta aan Somaliland shacabkeeda u dirayana waa in aanu u balan qaadno adeeg dhamaystiran oo ay ka helayaan xaruntayada halkan oo ay wakiil nooga tahay shirkadda Toyota S3” ayuu yidhi Mr Ni.

Dhinaca kalena Guddoomiyaha Shirkada Toyota S3, ee Somaliland Cismaan Axmed Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Shirkadani wax wayn ka tari doonto gaadiid cusub oo la helo halka markii hore ganacsatadu debeda ka soo iibsan jireen gaadiid la soo isticmaalay, hadaladisiina waxa ka mid ahaa “ shirkaddan waa mid Caalamiya waxaanay xafiisyo badan ku leedahay Africa, Somaliland-na waxa ay ka mid noqonaysa wadamada ay ka shaqayso shirkadani halkan waxa ay ganacsadu ka helayaan gaadiidkii oo toos uga soo degaaya Wakaaladii samaysay. Baabuurta ay samayso shirkadani waxa ka mida Baabuurta Xamuulka sida iska Rogooyinka, Booyadaha, Wiishashka, Dhaynayaasha, iyo Baabuurta waawayn nooc kasta, waxa kale oo aan intaas ku dari lahaa hore waxa u jiray Baabuur xamuula oo ganacsatadu ka soo iibsatay Sino Truck, oo qaarkood ay waayeen isbeerbaadhkoodii markaa waxaan ugu bushaaraynaya in halkan ay ka heli doonaan nooc kasta oo alaabta SINO TRUCK, iyada oo shaqaaleheena halkaas lageyn doono oo la inoogu soo tababari doono” ayuu yidhi Guddoomiyaha Shirkadda Toyota S3, ee Somaliland Cismaan Axmed Cismaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.