WorldRemitAds

Buuhoodle, Somaliland, August 26, 2017 (Saxafi) – Dagaal dhex maray dhawaan labadda beelood oo walaalo ah oo Buuhoodle wada degan ayaa la sheegay in laga soo saaray qodobo labadda dhinac ku heshiiyeen oo lagu soo afjaray.

Guddi dhexdhexaad ah oo ka kala yimi degaano badan ayaa hawshan u fududeeyey in 30 xubnood oo labada dhinac ah ay wadaxaajood isku soo horfadhiistaan, ka dib markii laga qaaday ciidamadii labada dhinac.

Qodobada ka soo baxay ee labada dhinac isla qaateen ayaa waxaa ka mid ah in dadkii dhintay ee labada beelood ahaa labada dhinac bixiyaan magtooda, in dadka dhaawaca ah qolo waliba dawaysato wixii ka dhaawacmay, wixii dadka kale ahna iyagu qabaan oo loo qaybinayo.

SomlegalAds

Waxaa kale oo qodobada muhiimka ah ee laga soo saaray ka mid ah in qofkii qof dila loo dilo, waxaa kale oo labada beelood lagu ganaaxay 50 halaad iyo 40 halaad iyadoo mid lagu eedeeyey gacan ku dhiigle la fakiyey, beesha kalena degdeg aanay sugin baadi goobka lagu maqnaa ee ay xabad kaga jawaabeen.

Dhalinyarada, waxgaradka iyo Haweenka labada beelood ayaa si wadajir ah kulamo ugu yeelaya xaafadaha magaalada Buuhoodle iyadoo ay ka shaqaynayaan midowga dhalinyarada oo maalmihii la soo dhaafay wadey dadaal ay ku xakamaynayeen colaadan oo ay ku dhinteen 11 qof oo mid ka mid ahi ahaa ergadii gurmadka u tagtay degaankaas.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Buuhoodle ayaa shalay ka bedelan sidii ay ahayd maalmihii la soo dhaafay, waxaana si aad ah loo hadal hayaa socodsiinta Qisaasta oo magaaladaasi mudooyinkii u danbeeyey sharci rasmi ah u ahaa iyadoo 12 qof laysu diley mudo sanad ka yar.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.