WorldRemitAds

Faallo: Maxamed Cumar Sheekh

Waxa beryahan, maalmahan iyo wiiggan oo dhyanba la hadal hayaa heshiiska dhex maray shirkaddsa DP World iyo dalalka Somaliland iyo Itoobiya. Sidoo kale, ayaa maalmahan waxa batay hadallo heshiiskaasi ku saabsan soo baxay hadallo ay ka muuqato cadaawadda reer Somaliland ay u hayaan dawladda Muqdisho, siyaasiyiin reer Somaliland ah iyo Soomaali kaleba isugu jira kuwaas oo marka lagu daro aqoonyahanno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, iyo kuwa Soomaalida kaleba iyagu ku mashquulay heshiiskan.

Marka laga reebo siyaasiyiinta iyo aqoonyahanada weligoodba nacaybka iyo xumaanta u hayey Somaliland ayaa dhinaca kale waxa ku soo biiray dawladda taagta daran ee Soomaaliya oo labadii maalmood ee u dambaysayba weerar ku hayey heshiiskaasi, Dawladda Imaaraadka carabta, Itoobiya, Somaliland iyo cid kastoo heshiiskaasi jecelba, waxana ugu darraa hadallo ka soo yeedhayey Raysal waasaraha Soomaaliya Khayrre, kaasoo sida uu u hadlayey aad moodeysayba nin heshiiskan baabiin kara, waxase jawaab ku filan siiyey siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland, sida Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga UCID iyo Guddoomiyaha shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka kuwaas oo tilmaamay inaysan Soomaaliya dawlad la yidhaahdaa maanta waxba yeeli karin heshiiskaasi, uuna u fuli doono sidii loogu talogalay.

SomlegalAds

Haddaba, marka la eego eedaha iyo aflagaadooyinka Soomaalidu u geysanaysay heshiiskaasi iyo dalka Itoobiya ayaa waxa ugu xumaa siyaasiyiin iyo aqoonyahanno dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland kuwaasoo ku luuqaynayey ama siyaalo kale u taageerayey hadalka Raysal wasaare Khayrre, waxana nasiib darro ah in eedaha xaasidnimada ku salaysan ee ka soo burqanaysa cid kasta oo necayb iyo cadaawad siyaasadeedba u haysa Somaliland aanay weli jirin cid ka tirsan dawladda, golayaasheeda, xisbigeeda iyo masuulyiinta sarsare oo daafacaysa heshiiskaasi aanad mooddo inay hoosta kala safanyihiin kuwa diiddan heshiiskaasi.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta waa weyn ee ka mid ah xisbiyada mucaaradka weligoodna lagu yaqanaanay aragtidooda Soomaaliweyn, una ka mid yahay Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa u riyaaqay hadalada ka soo yeedhay Raysal Wasaare Khayre, waxana ka soo baxay hadal muujinaya sida niyadda uu weli ugala socdo Soomaaliya, isagoo wakhtigan sallaan ka dhigtay heshiiska DP World si uu u muujiyo taageeradiisa madaxda Soomaaliya.

La yaab ma aha in dhaliilo laga sheego heshiiskaasi, si ku dhisan wadaninimo iyo  Somalilandnimana looga wadahadlo balse dhinaca kale waxa heshiiskani u qarxiyey xumaanta iyo cadaawadda reer Somaliland u qabaan qaybo ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland, Soomaaliya, dalalka deriska ah qaarkood iyo aqoonyahanno dalka iyo Soomaaliyada kaleba u dhashay, waxabna heshiiskani bannaanka soo dhigay astaan lagu kala garan karro cidda Somaliland wanaagga iyo horumarka la doonaysa iyo cidda sharka iyo burburka la doonaysa., sidaa darteedna reer Somaliland kala baran doonaan cidda maanta la jirta qarannimadooda iyo cidda kasoo horjeedda .

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.