WorldRemitAds
Washington, Maraykanka, March 3, 2016 (Saxafi)-Musharaxa ugu wayn xisbiga Dimuqraadiga ah ee Mareykanka, Hillary Clinton ayaa Safar ku tagtay Magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, oo ah deegaanka Soomaalidu ku badan tahay, waxaanay booqasho ku tagtay Xaafadda Cedar Riverside oo ay Soomaalidu ku badan tahay oo ka tirsan Degmada 6-aad ee magaalada Minneapolis.

Hillary Clinton ayaa waxaa halkaas kusoo dhaweeyay dadwaynaha xaafadaas sida Ardayda Jaamacadha, bulshada Somaaliyeed iyo dadka kale ee Maraykanka ah, iyadoo ay ka Dhex-muuqdeen Guddoomiyaha Minnesota, Mark Dayton iyo Guddoomiyaha Degmada 6-aad ee Minneapolis, Cabdi Warsame.
Guddoomiye Cabdi Warsame oo Booqashada Hillary Clinton, ayaa sheegay in Xafiiska ololaha Doorashada ee Hillary uu ka codsaday in ay soo booqato Xaafadda oo ay taageerayaal badan ku leedahay.
Sidoo kale, Cabdi Warsame ayaa sheegay inuu kulan gaar ag la yaashay uuna kala hadlay baahida shacabka laga tirada badan yahay ee Minnesota ku nool. Wuxuuna si gaar ah u soo bandhigay baahida bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan xayiraadaha Xawilaadaha saaran, shaqa la’aanta dhallinyarada iyo weliba baahida Ganacsatada Soomaaliyeed ay ku qabaan daymaha aan ribada lahayn si u kobciyaan ganacsigooda.
Hillary Clinton ayaa u ballan-qaadan inay kala shaqeyn doonto danaha dadkiisa hadday ku Guulaysato Madaxtinimada Mareykanka, isla markaana ku Ammaantay dadaalka uu Cabdi Warsame muujiyay tan iyo markii uu xilkaan qabtay.
Warbaahinta Minnesota, ayaa aad u Hadal-haysay Gabadh Madowga Mareykanka ah, oo Hillary Clinton ay doodi dhex-martay, isla markaana su’aashay dadka la doorto oo laga Tirada badan yahay oo iyada taageersan. Hillary Clinton ayaa Carrabaabtay in Soomaalidu ay iyada taageersan yihiin, iyadoo xustay inay Garab-weyn ka haysato Cabdi Warsame.
Gabadhan Madowga ah ayaa ku dooday inaan Cabdi Warsame ahayn Madow Run ah, iyadoo uga jeeda in uu yahay Soomaali. Waxayna Hillary Clinton si Cadho ay ku jirto ugu jawaabtay Gabadha, waxayna tidhi. “Cabdi Warsame waa shaqsigii u horreeyay oo Soomaali ah ee ka mid noqdo Maamulka Magaalada Minneapolis, Waana Taageersanahay, Waxayna taasi ii tahay farxad gaar ah. ”
Ugu dambeyn, tii Cabdi Warsame ayaa la hadlay warbaahinta Soomaalida ayaa ugu baaqay Bulshada Somaaliyeed in ay Codkooda siiyaan Hillary Clinton. Horraantii Bishii Oktoobar ee Sannadkii Hore ee 2015-ka, ayay ahayd markii Murashaxad Hillary Clinton ay Guddiga Hoggaanka Ololaheeda Doorashada ee Gobolka Minnesot ay u Magacowday Guddoomiye Cabdi Warsame, sida uu Warbaahinta u sheegay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.