WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, March 20, 2012, (Saxafi) – Hoggaamiyaha Al-Shabaab Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa fiidnimadii xalay soo gaadhsiiyay Idaacadda ku hadasha afka Al Shabaab fariin uu soo duubay oo uu kaga hadlayo arrimo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Xaaladda Siyaasadda Soomaaliya.

Sheekh Mukhtaar Abuu Zubeyr ayaa fariintiisa kaga hadlay, shirkii dhawaan ka dhacay Magaalada London oo uu ku tilmaamay mid lagu taageerayo wax uu ugu yeedhay Burburka iyo Laynta dadka Soomaaliya, waxaa kale oo uu ku soo qaaday heshiis dhexmaray kooxda Al-Qaacida oo kulla midoobeen iyo sidoo kalle heshiis dhexmaray koox uu hogaamiyo Siciid Atam oo ka hawl-gala Buuraha Galgala oo uu ku tilmaamay kuwo ku sugan goobo muhiim u ah dagaalka ay ku jiraan, marka la eego Goboladda Sanaag, Sool iyo Waqooyibari. “Waxaad kulaalaysaan dhulkii Jihaadka xarunta u ahaa oo ay ka mid-tahay Jiidali, Taleex iyo goobaha kale ee la midka ah” Ayuu yidhi isaga oo la hadlaya kooxda Siciid Atam. Waxaana fariintiisan ugu muhiimsanaa oo uu ku guubaabinayay dadka Soomaalida ah iyo kuwaSomalilandoo uu dhinacyo kalla duwan ugu dhigayay dagaalka ka dhanka ah ee lagu hayo Al-Shabaab,. Waxaana uu  dhinaca kale ku dooday in ay Isbahaysiga Amisom dhibaato badan kalla kulmeen dagaalka ay ku hayaan. “Mar kasta oo ay taako ka durkaan Dhufaysyadooda waxaa ku kordhaya culuska saran.” Ayuu yidhi.  “Habka jabhaddayntu waa habka ugu addag ee lagula dagaalamo Is bahaysi soo duulay, uguna khasaaraha yar.” Ayuu yidhi isaga oo ka hadlayay nooca dagaalka ay kulla jiraan Amisom.

Haddalkan oo ku soo beegmay waqti la wariyay in khilaaf ka dhex taagan yahay hogaanka Shabaab iyo dagaalyahano ajanabi ah oo in muddo ah ka barbar dagaalamayay ayaa waxaa uu Sheekh Mukhtaar ku amaanay kaalinta qabaa’ilka Soomaalida ah ee deegaanada ay joogaan kaga jiraan dagaalka.

SomlegalAds

Sirdoonka Waddamada dagaalka kulla jira Al-Shabaab ayaa cajaladdan cusub oo soconaysa 25 minid sheegay inay baadhitaan ku waddaan iyagga oo u fiirsanaya qodobada uu ku soo qaaday iyo fariinta rasmi ahaan ay gudbinayso ee aan muuqan.

Waa markii labaad ee uu sanadkan guddihiisa Amiirka Al Shabaab cod uu ku soo duubay goob qarsoon soo diro.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.