WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, March 12, 2012, (Saxafi) – Maamulka Awdal iyo Hogaamiyayaasha dhaqanka ee Gobolkaas ayaa markii u horeysay fariin ay ku midaysan yihiin u diray xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo, taasoo ay ku dalbanayaan in la gaadhsiiyo qaybta ay leeyihiin deeqaha gargaarka iyo mashaariicda horumarinta biyaha  si loo yareeyo abaaro baahsan oo ay sheegeen inay gobolkaas ka jiraan.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxmed Cumar Sheekh, shir shalay lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Awdal, ayaa waxaa ka qayb galay inta badan  hogaamiyedhaqameedyada caanka ah ee gobolkaasi, ganacsato iyo waxgarad kale.  halka dhinaca dawladdana goob joog ka ahaayeen  badhsaabka gobolka Awdal Axmed Xaddi Sidci iyo ku xigeenkiisa Cabdi Nuur Sugaal.

Kulankan shalay ayaa waxa hadallo isugu jira dardaaran, dhaliilo iyo  dhiirrgelinba leh ka soo jeediyey salaadiin ay ka mid ahaayeen  Suldaan Saleebaan Cali, Suldaan Xassan Xaddi Baade, Suldaan Dhawal, Caaqil Cabdi Axmed Cige, Ganacsade Xaaji Axmed Miisaan, Caaqil Ibraahim Weyd, Suldaan Sanbuurad iyo cuqaal tiro badan oo ka kala socday dhammaan deegaanada gobolada Awdal iyo Selel, waxayna dhammaantood farta ku fiiqeen  baahida taalla gobolka ee ay sababeen abaaraha  iyo biyo yarida iyo sida xukuumadda Axmed  Siilaanyo weli aanay uga jawaabin baaqyo tiro badan oo  hore loogu diray  dawladda. Cuqaasha iyo salaadiinta qaar ayaa iyaguna dhaliilo adag dusha uga tuuray  masuulyiinta xukuumadda Axmed Siilaanuyo kaga jira golayaasha qaranka,  kuwaasoo ay qaarkood ku tilmaameen hindi shaqo tegtay, waxaana ay ugu baaqeen inay caddeeyaan cidda ay metelaan. dhinaca kale qaar ka mid ah ka qaybgeleyaasha kulankan ayaa beelaha reer Awdal  ka dalbaday inay iska cafiyaan wax kastoo caloolxumo ah oo soo kala dhexmartay  si Ilaahay ugu aqbalo ducadooda  raxmaadka ilaahayna ugu yimaddo.

SomlegalAds

Badhsaabka Awdal, Axmed Xaddi sidci oo gabegabdii  shirkaasi ka hadlay ayaa odayaashii iyo  waxgaradkii kasoo qaybgalay shirka uga mahadceliyay sida  ay isaga iyo xukuumadaba ugu muujiyeen dareenkooda, una  muujiyeen mawqifkooda ku aaddan baahiyaha  gobolka yaalla sidii wax looga qaban lahaa, isagoo dhinaca kalena badhsaabku ku dheeraaday inaan la isku xidhin dareemada  ama tabashooyinka daweynaha gobolka iyo qarannimada dalka, si niyadsami ahna tabashooyinkooda ay ugu gudbiyaan xukuumadda iyadoo aan meel lagaga dhicin qarannimada dalka iyo wada-jirka dadweynaha Somaliland.

Kulankan shalay ayaa isu keenay hogaamiyedhaqameedyada gobolka Awdal iyo Selel oo muddo sannad  ku dhawaad ahba ku kala tegsanaa arrimaha siyaasadda dalka iyo kuwa dhaqanka, kuwaasoo  sababay kala qaybsanaan  xoog leh oo soo kala dhex gasha beelaha reer Awdal iyo Selel.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.