WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, March 01, 2012, (Saxafi) – Qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha dhaqanka magaalada Boorama ee Gobolka Awdal ayaa si adag uga hadlay  xaaladda weriye lagu jidh-dilay saldhigga Booliska Boorama  oo la jiifa dhaawacyaddii ka soo gaadhay Ciidanka.

Wariyahan oo loo soo gudbiyay cusbitaalka guud ee Hargeysa ayaa odayaasha ka hadlay waxaa ay sheegeen in lagula kacay talaabo meel ka dhac ku ah xuququdamuwaadniinta iyo bahda saxaafadaba. Waxaana ay xukuumadda ka dalbadeen in la soo qabto ciddii geystay  jidhdilkaasi.

Sida uu ku soo waramay Wariyaha Saxafi ee Gobolka Awdal Maxamed Cumar, shir jaraa’id oo ay odayaashani ku qabteen Boorama ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Daa’uud  Ibraahim Nuur oo ka mid ah odayaasha gobolkaasi, waxaana uu yidhi.”Waa nasiibdarro in meeshii saldhigga u ahayd nabadgelyaddu maanta noqoto meel muwaadiiniinta lagu laayo. weriyuhu waa muwaadin, laakiin waxa uu ka soo jeedaa qayb ka mid ah bulshada dalka, haddii dawladdii dishay waxan ka rabnaa inay keento ciddii  dembigaa gashay.”

SomlegalAds

Axmed Caynaan ayaa isna yidhi  “Inankaa yar ee la xidhay waxa laga dilay caloosha iyo madaxa. cuntana lama siin intii uu xabsiga ku jiray, waxaasina waa wax ka baxsan xuquuqda aadamaha, waxanan hay’adaha xuquuqal insaanka iyo dawladdaba u sheegaynaa in falkaasi yahay mid aanaan u dulqaadanayn  haddii wax laga qaban waayo”.

Xaaji Aadan Dugsiiye oo ka mid ahaa odayaashan ayaa isna yidhi “Arrinta inankaasi waxaan ka wada hadallay taliyaha Boooliska gobolka, waxana uu nagu yidhi anaa daweyn, shalayna wuu is beddelay oo waa u diiday, sidaa darteed arrintaasi maaha mid aan dawlada kaga hadhaynno, waana in la keenaa ciddii wiilkaa yar dishay  sharcigana lala tiigsado.”

Muuse Ibraahim Allaale ayaa isna yidhi “Waa wariyihii afraad ee muddo laba bilood gudahood ah xabsiga la geeyo,  waana xadhig lagu bartilmaameedsanayo qayb ka mid ah dadweynaha gobolka. saldhigga  Booliskana waxa ka jira nidaam hayb sooc ah.  awal xadhigga waan u dulqaadanaynay oo weriyuhu dembi wuu geli karaa, laakiin maxkamad waa in la geeyaa lagana soo caddeeyaa, hase yeeshee maanta way dhaaftay xadhig la is xidhxidho ee waxay joogtaa in qudha la iska jaro, mana yeelaynno taasi. Waxaan xukuyumadda ka dalbanaynaa inay ragga suuqa taltalaabsanaya ee inankaasi dilay sharciga la hor keeno, kamana haydhaynno arrintaasi.”

Cismaan Sheekh Faarax ayaa isna yidhi. “Sida walaalkay sheegay waa weriyihii afraad ee xabsiga Booliska sharcidarro loogu xidho,waxana ka horeeyey  15 dhallinyaro ah oo  saldhigaasi lagu xidhay, siyaasiyiin beesha ah iyo kuwa kaleba, kuwaasoo dhammaantood aan loo helin dembi cad oo ay galeen, waa daandaansi aanaan aqbali doonin maanta wixii ka danbeeyana waxaan xukuumadda sare ,Booliska  sare iyo madaxweynahaba u sheegeynaa in arrinta wiilkaasi degdeg looga jawaabo ,hadday dhici weydo ,wixii ka yimaadda xukuumadda ka masuul ah “

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.