WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland December 26, 2016 (Saxafi) – Guddoomiyaha madasha wadashiga iyo Toosinta qaranka Muj: Xasan Guure Jaamac iyo Injineer Maxamed Xaashi Cilmi ayaa xukuumadda iyo asxaabta qaranka in aanay shacabka walaalaha ah kala qaybin, maadaama oo lagu jiro xaalad abaareed oo ba’an ka jiraan, isla markaana aan lagu mashquulin xaflado iyo olole siyaasadeed.

Gudoomiyaha madasha wada tashiga iyo Toosinta mujaahid Xasan Guure Jaamac oo uu wehelinayo mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi oo warbaahinta la hadlay ayaa ka hadlay saldhig military ee ay dowladda Somaliland heshiis is-faham kula gashay dowlada Isu-taaga Imaaraadka Carabta (UAE), kaasi oo ay ka samaysan doonaan magaaladda Berbera ee gobolka Saaxil, waxana ay ugu baaqeen xukumadda gaar ahaan madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland laga waantoobo wax walba oo colaado dalka gelinaya.  “Waxaad mooda arrintii abaaraha in aynu ilownay, waxaad mooda hawshii sadexdii cisho aynu wadda-wadnay  oo aynu TV-yada kaga had-hadalnay oo ay culimadu xoogaaga yar ee ganacsatadda ka ururiyeen ayaad moodaa inaynu hawshii ku dhamayney. Roob xooga ahi oo da’ay oo galbeedka u badnaa ayaanu u qaadanay in uu roobkii wayna uu da’ay, hadaba waxa aan doonaya bulshada iyo dowlada iyo masuuliyiinta qaranka in mar labaad xasuusiyo in abaartii ay siii adkaatay”ayuu yidhi Xasan Guure, waxaanu intaas ku daray “Waxa la ii sheegay in barigii xoolihii gaadiidkii lagu keenay ey maahee doonyihii lagu soo qaado oo Bulaxaar iyo Lughaya lagu daadiyo, intii yarayd ee roobka ahayd ee halkan ku da’dayna xoolihii iyo dadkii ayaa isugu yimid. Imika labadii wixii bari ka soo guuray iyo hawd ka soo guuray halkii galbeedka ay fadhiisteen xoolihii iyo dadkiiba halis bay isugu jiraan, wax alaaleh wax hadal hayana maalmahan ma arkayno. Waxaad moodaa xukuumadda iyo hormuudka siyaasiyiintu in ay u qaateen hawshii in ay dhaamey, halka ay abaartii ka hadli lahaayeen ayey kambayn ka hadlaan, waxaanu aragnaa galbeedka wixii Hargeysa galbeedka ka xiga waxa laga hadal hayaa hebel baa ku biiray iyo habel baa ka baxay iyo xaflado hudheelada lagu qabto oo imika aanu arkaynay iyo xaflado hudheelada lagu qabto waa nasiib darro.”

Dhinaca kale mujaahid Maxamed Xaashi Cilmi ayaa ka hadlay doorkii dhalinyarada dalka ee wax bartay ay ka gaabiyeen inay wadankoodda u soo jeestaan oo wax u qabtaan, waxana isago arrimaha ka hadlay uu yidhi “Dhalinyartu maanta waxa ku haboon doorkii laga filayey ee mutacalinka ahaa iyo tiradii waa dhalinyaradii hawsheeda may garan wali, inay garato oo ay usoo jeedsato sidii ay iyaguna wax u qabsan lahaayeen dadkana wax ugu qaban lahaayeen oo ay ka hadlaan wixii wax u taraya ayey ku fiican tahay in aanay ka leexan. Waxaad moodaa qiimaha Somaliland maanta meel wanaagsan ayuu marayaa jaarkeena marka la eego meel istraatiji ah oo wanaagsan baynu kaga jirnaa, inagu saldhig uma baahnin ay ciidamo ku loolamaan oo ay isku qabsadaan uma baahnin, Magaceenaa ku dhimanaya oo  Geeska Afrika ayaaney dantiisa ahayn, waxaad moodaa in dagaalkii qaboobaa in uu soo noqoneyo oo uu loolan jiro, loolankan wixii ina geeyaa waa waali, Kolka waxa aan odhan lahaa oo aan madaxweynaha iyo intii ku xeeran odhan lahaa malaha wixii la qaybsanayay la qaybsaye, waxa dambe waxa weeyaan magaceena hala ilaaliyo jiritaanka Somaliland na wuxu ku xidhan yahay in laga waantoobo saldhig iyo wax colaad ina geliya laga waantoobo, Carab is urursanaysa ha haato ama dalalka jaarka ha ahaato maanta fidmo ka dhacdo dhulkeena looma baahna.”

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.