WorldRemitAds

Lawyacaddo, Djibouti, April 26, 2018 (Saxafi) – Hoggaanka socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya Gaashaanle sare Maxamed Aaden Jimcaale Koofi ayaa shalay dhinaca Djibouti ka soo qooraansadday Xuduudka Lawyacado ee Somaliland iyo Djibouti waxaana ay arrintaasi baraha bulshaddu ku kulanto ee Intarnetka ka abuurtay dood adag.

Taageerayaasha Koofi ayaa facebook ku baahiyay dood ay ku sheegayaan in taliyuhu socdaal ku tagay Lowyacaddo. “Taliyaha waxaa uu booqasho aqoon kodhodhsi ah ku tagay xaduudka Lawya-cado, ee aan la wadaagno dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti.” Ayuu yidhi Cali Cabdi Wardheere oo soo dhigay sawiradda sarkaalkan iyo xubno laanta socdaalka Djibouti ah oo dhinaca ka baxsan xuduudka Somaliland ka soo qooraansaday Lowyacaddo.

SomlegalAds

Dad badan ayaana socdaalkan ku fasiray riyo, halka kuwo kalena u arkeen daandaansi Somaliland ay ulla badheedhay Djibouti.

Axmed Nuur oo ka mid ah dadka iyagu taageersanaa socdaalkan ayaa yidhi. “Inaad fahamtid awoodda sharci ee uu leeyahay waa muhiim. Jabuuti dawlada Somaliya ayay aqoon santahay waxayna xaq u leedahay cid kasta oo soo gelaysa wadankeeda in ay Passport Somali ku xidho.

Waanan rajaynayaa shaqadaas inay dhowaan qabsoonto.”

Saraakiishan oo gaadhiga gudihiisa ka soo qoraansanaya xuduuda dhinaca Somaliland, iyagoo ku sugan dhinaca gudaha Djibouti

Jamaal Ali Jaamac ayaa isna yidhi, “Bal xuduuda Jamhuuriyada barakeysan muu u soo talaabo jeelka Mandheera ayaa la dhigi lahaa oo uu Liinta ku soo cabi lahaa, waa riyoonayaan, horta bal Yoocada kaalaya waxaa Ciidanka Qaranka Somaliland dul joogaan Garowe oo u jirta Lowyacado 1,500KM. Maamul ku sheega horjooge Farmaajo Afgooye iyo Balcad ma gaadhi karro wuxuuna ku riyoonayaa meel u jirta 3000k”

Boqor Ciiltire ayaa isna yidhi, “Gobaaa beenta diidee, guntu faanka jecelaaa iska hadle Lowyacado iyo agagaarkeeda kii ka weynaa ayaa hadh cad ka huleelay macadala waa dawlada Amisom haysato”

Hamse Jirde “Kkkkkkkk Sawir dhinaca Djibouti waad ku soo geli kartaa, balse xaqiiqda ma dhaafi kartid, Caliyaroow inaad riyootaa way fiicantahay balse riyo nin weyn riyoo boowe, Doodu waxay inoo taalaa Maalinta Xamar Farmaajo xaafadaheeda dhan kasta u gudbi karro Lawyacado ha inoo dambaysee”

In kasta oo doodaasi dhexmartay reer Somaliland iyo reer Somalia, haddana dhinaca kale Idaacadda Muqdisho ee afka dawlada Farrmaajo ku hadasha war ay ka qortay waxaa ay ku sheegtay socdaalkan mid la xidhiidhay Djibouti laamaheeda socdaalka. Waxaana warkaas lagu yidhi sidan. “Agaasimaha guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Dawladda Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Koofi iyo wefdi uu hoggaaminayo oo weli safar shaqo ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa booqdey qaarka mid ah xarumaha laanta socdaalka ee dalka Jabuuti sida:-

1) Garoonka diyaaradaha Magaalada Jabuuti.

2) Xarunta laga bixiyo baasaboorka Jabuuti.

3) Xadka Soomaaliya iyo Jabuuti ee Lowya-cado dhinaca Jabuuti.

4) Dugsiga tababarka Booliiska iyo saraakiisha Socdaalka.

Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa xarumahaan kula kulmey saraakiisha Jabuuti ee ka howlgasha, waxayna warbixin ka siiyeen hanaanka shaqo iyo sida ay diyaar ugu yihiin in ay tababar siiyaan saraakiisha socdaalka Soomaaliya, Agaasimaha iyo wefdigiisa ayaa kusoo arkey meelaha ay tageen hab shaqo oo ku dayasho mudan.”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.