WorldRemitAds

Dhacdooyinka layaabka ee dunidu kaliya kuma koobna, kuwo argagax ama wax aad ka anfariirto oo kaliya ah, balse waxa jira waxyaabo wanaagsan oo haddana la qariibsado oo kaa yaabiya, sida dhacdadan oo Ugub ama wax ku cusub ka noqon karta meelo badan oo dunida ah.

Sida ciwaanka qormadeenan ku cad haweenay ama hooyo u dhalatay dalka Maraykanka, ayaa iyadoo ku guda jirta waxbarasho sanadeedkii jaamacada, ay xaaladii hooyo nimo ee dabiiciga ahaydna haleeshay, waxaana iyadoo fool ah deg deg looga qaaday jaamacada oo ay kaga jirtay imtixaankii.

Hooyo Jaamacad dhiganaysa iyadoo fool ahHaweenaydan oo lagu magacaabo, Tommot Rice Collins, ayaa ka mid ah ardayda simastarka ugu danbeeya ee daraasaynta cilmi nafsiga ee jaamacada ku jira, waxaana iyadoo u fadhida imtixaankii ku soo booday fooshi oo waxa loola cararay cusbitaalka.

SomlegalAds

Hasa yeeshe markii ay ka yara nafistay ee dhakhaatiirtuna u cadaysay in dhalmadii saacado uga hadheen ayay deg deg u dalbatay kaambuyuutarkeedi, gacanta kaas oo markii loo keenay ay deg deg u guda gashay, ka shaqaynta imtixaankii jaamcada oo si toos ah ay internet-ka kaga qayb galayso.

Mid ka mid ah ardayda kale ee la saaxiibka ah gabadhan oo ku booqday cusbitaalka ayaa ka soo qaaday, sawiro uu saaxiibadeedi kale iyo macaamiisha Fecebook ugu gudbinayo xaladeeda caafimaad iyo markii uu booqday sida ay ahayd.

Sida wakaaladaha wararka dunidu badankoodu ku warameen, hooyadan foosha ah ee furaashka dhalmada kaga dul shaqaynaysa imtixaankeedi jaamacada, ayaa markii saaxiibadeed soo dhigtay, markiiba lala boobay “Like” waxaana isu sii kala gudbiyay oo kala xigtay in ka badan 11700 meelood oo kale.

Waxa uu sawirkani noqday mid lagu daray dhacdooyinka layaabka badan ee dalka Maraykanka, waxaana ka furmay dood iyo falanqayn badan oo asxaabta shabakada xidhiidhka bulshada ee Facebook isku dhaafsadeen, kuwaas oo badankoodu u badnaa hambalyayn iyo dhiiri gelin, ku waajahan hooyadan foosha ah.

Waxaana aragtiyaha badankoodu ka sinaayeen, ka hadalka labada waajib ee hooyadani gudanayso, kuwaas oo kala ah, waajibaadkii hooyo nimo iyo keedi ardaynimo ee jaamacadu ku lahayd, oo si buuxda oo geesinimo leh ay labadaba u gudanayso.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.