WorldRemitAds

Allaybaday, Somaliland, November 06, 2014 (Saxafi) – Horumar dhinacyo badan leh ayaa ka hirgalay degmada Allaybaday ee Gobolka Gabiley, waxaanay shacabka reer Allaybaday amaan u soo jeediyeen Xukuumada Axmed Maxamed Siillaanyo, iyagoo si gaar ah farta ugu fiiqay horumarka dhinaca wadooyinka,waxbarashada,caafimaadka iyo dhamaystirka dhismaha guriga Martida ee degmada Allaybady oo ay sheegeen inay xukuumadan hada talada haysaa hirgalisay  isla markaana ay si gaar ah ugu xasuusan doonaan.

Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Keyse Muxumed Ibraahim (Meegaar),Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Allaybaday Mukhtar Muxumed Boos,Maamulaha Dugsiga Sheekh Axmed Qaalib ee Degmada Allaybaday Axmedqani Sheekh Muxumed Boon Iyo Oday Dhaqameedyo uu ka mid yahay Maxamed Aamin Cigaal oo ka hadlay guud ahaan waxqabada muuqda ee degmada Allaybaday ka hirgalay mudadii ay xilka haysay Xukuumadani ayaa  si weyn ugu mahadnaqay Xukuumada Maanta Talada Haysa ee uu hogaaminayo Md Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sida xilkasnimada leh ee ay uga dhabaysay balan qaadkii ay u samaysay Shacabka Degmada Allaybaday iyagoo si gaar ah uga hadlay jidka laamayga ah ee gacanta lagu hayo ee isku Xidhaya Allaybaday iyo Arabsiyo,Guriga martida degmada Allaybaday oo hada farta laga qaaday,Dayactir iyo dhismayaal lagu soo kordhiyay dugsiyada waxbarashada degmada iyo dhakhtarkii degmada oo dhismihiisa hada la bilaabayo.

Waxa ay masuuliyiintan oo ay soo agaasimeen maamulka degmada Allaybaday iyo oday dhaqameedku warbixintan ku soo bandhigeen Doraad Magaalada Allaybaday oo ay booqeen qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland,waxa sidoo kale warbixin warbaahinta siiyay hawl wadeenada jidka dhismihiisa gacanta lagu hayo ee Degmada Allaybaday iyo Arabsiyo,waxa ay hawl wadeenadan oo markaa ku sugnaa goobta shaqadu ka socoto ay warbaahinta u sheegeen inay imika qiyaastii u dhamaystireen caro tuulkii ama carro kaawihii ilaa 8km oo sugaya uun in daamirkii lagu shubo halka caro tuulka dhigistiisiina ay ku sii dhawdahay magaalada Tincada oo 18km woqooyi ka soo xigta Magaalada Allaybaday,waxa ay hawlwadeenadu sheegeen inay imika cagtu u degtay oo ay khibrad badan oo aanay marka hore qabin ka heleen jidkani islamarkaana ay suuragal tahay in wakhti yarba lagaga faraxasho dhamaystirka jidkan.

SomlegalAds

Gudoomiyaha Degmada Allaybaday Keyse Meegaar ayaa sheegay inuu dhan yahay guriga martidu oo ay imika u hadhay uuni go’gashii,waxa kale oo uu sheegay in dhawaan la bilaabi doono dhismaha dhakhtarkii guud ee ay degmada Allaybaday lahayd oo hada ay wadaan qaban qaabadiisii,sidoo kale Gudoomiyaha Waxbarashada Degmada Allaybaday Mukhtaar boos ayaa sheegay in doorkan waxbarashada degmadu meel fiican marayso,waxa uu sheegay in dayactir lagu sameeyay dugsiga H/dhexe ee ugu weyn Degmada Allaybaday ee sheikh Axmed Qaalib oo lagu kordhiyay shan qol oo cusub halka dugsiyo kalena laga hirgaliyay  tuulooyinka hoos yimaada degmada Allaybaday. Caaqil Maxamed Aamin Cigaal oo ka mid ah Cuqaasha ugu caansan Degmada Allaybaday ee sida weyn looga tixgaliyo deegaankaasi ayaa si weyn u soo dhaweeyay waxqabadka muuqda ee degmada Allaybaday ay ka dhaxashay xukuumadan Axmed Maxamuud Siilaanyo waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “markaan ka hadlo waxqabadka Allaybaday loo qabtay,iskuulkii waad aragtaan,dayrkan weyn ee loo sameeyay,kalaasyada loo dhisay waa horumarka degmada u soo kordhay weeyi,guriga martida markii uu gudoomiyahani yimid wuxuu ahaa guri qabyo ah oo seeska uuni taagan yahay,maantana quruxdiisa waad aragtaan,sidoo kale horumar badan oo kale ayaa Allaybaday laga hirgaliyay sida jidkan laamayda ah iyo bilicda magaalada oo hada gacanta lagu hayo”.

Guud ahaan shacabka Reer Allaybaday ayaa u riyaaqsan horumarka ay la kawsatay Degmadoodu Xukuumada uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyagoo isku arka inay Xukuumadani guday abaalkii ay shacabka reer Allaybaday gashadeen wakhtigii ay kursiga u taramayeen.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.