WorldRemitAds
Waxan Maanta Qaliinka u qaatay inaan wax yar ka qoro ama aan ka yara hadlo waxyaabaha Somaliland Horumar ku gaadhi karto ama aan is leeyahay waa rrrinka ugu Muhiimsan Horumarka Somaliland.

Inkastoo aynaan ahayn Dal ictiraaf haysta ama la Aqoonsan yahay haddana waxa dawlad iyo Shacaba xil inaga saaran tahay ama inagu waajiba Horumarka Dalkeena. Haddaba Aduunweynaha ama Dalalka Caalamku waxay Horumar ku gaadheen Cashuurta ay muwaadiniintoodu si toos ah ay u bixiyaan. Sidaas darteed qof kasta oo Somalilander ah ama Muwaadin ah waxa ku waajibtay Cashuur noocay doontaba ha ahaate Cashuurtaas oo ah mid Dal iyo Dadba wax loogu qabanayo oo loogu fulinayo baahiyaha iyo Horumarka Dalkeena.
Horumarka Somaliland Waa Cashuurtoo Toos Loo BixiyoHorumarkaynu doonayno waxay ku gaadhi karnaa in Muwaadin kastaa xil iska saaro bixinta Cashuurta ku waajibtay oo uu si toosa u bixiyo, hadiise Cashuurta Madmadow la galiyo ama bixintii Cashuurta inagu waajibtay leexleexad la geliyo ma gaadhi karno ama ma higsan karno Horumarkii aynu doonaynay ee aynu Higsanaynay Dawladna lama  xisaabtami karno.
Runtii waan ku amaanayaa Wasaarrada Maaliyadda ee ay Hormoodka u tahay wasiirkeeda Marwo Samsam Cabdi Aadan, halka ay gaadhsiiyeen Miisaaniyadda Qaranka ee 2016.
Waxaan ku soo gunaanadayaa ama aan kaga baxayaa HORUMARKA SOMALILAND WAA CASHUURTA OO TOOS LOO BIXIYO.
Maxamed Maxamuud Cumar Faras,
Hargeysa, Somaliland
Email: mohamedharaf@gmail.cm

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.