WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia April, 26, 2018 (Saxafi) – Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa laga soo xigtay warbixin ku saabsan in ay jiraan hub laga soo xaday dugsigii tababarka Imaaraadka Carabta Jen Gordan oo maalin ka hor iska horimaad ku dhaxmaray ciidamada dawladda Soomaaliya oo suuqyadda lagu kala iibsanayo.

Ilaa 600 oo Qori oo ah nooca AK47 gaar ahaan kuwa Shiinaha lagu farameeyo ayaa la arkay iyaga oo lagu kala iibsanayo suuqyada magaalada Muqdisho sida ay wakaalada u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

SomlegalAds

Sidoo kale Wakaalada Reuters ayaa warbixinteeda ku sheegtay Qoryahan oo qaarkood ay cusub yihiin in hada lagu iibinayo Suuqyo furan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, oo aanay qabin wax cabsi ama walwal ah oo ku aadan in laga daba yimaado dadka hubkan iibinaya.

Sida ay sheegeen rag ka mid ah ganacsatada hubka waxaa gacanta u galay hub u badan qoryaha AK-47 oo dalka Shiinaha lagu soo farsmayeeyay kuwaasoo ay ku iibsadeen lacag gaadheysa $700 ayna ku iibinayaan $1000 sida uu u sheegay wakaalada wararka Reuters mid kamid ah ganacsatada hubka ee magaalada Muqdisho.

  Ganacsatada Suuqyada Magaalada Muqdisho ku iibineysa Hubka ayaa waxa ay markoodii hore qiimo jaban Hubka kaga soo iibsadeen Askar ka tirsan ciidamada dalkaas, waxaana Qoryaha ku dul qoran (SO XDS-2017).

Sawirrada ay qaaday Wakaalada Wararka ee Reuters ayaa muujinaya Qoryo cusub oo Jawaano lagu soo dhex riday, keliya laga soo muujiyay afka hore.

Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Jen Cabdiwali Jaamac Gorod ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ka hortageen sida uu hadalka u dhigay ciidamo kale oo ka tirsan dowladda oo isku dayay in ay jabsadaan keydka hubka xerada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa waayadii ugu danbeeyay xafiiskiisa shaqo u soo wareejiyay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya isaga oo marar kala duwanna booqday xerada Jen Gordan. Laakiin, taasi kama hor joogsan kooxaha haysta inay si furan hubka suuqyadda u wadhaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.