WorldRemitAds

Mid ka mid ah xabsiyada ugu waaweyn dalka Talyaaniga ayaa laga dhex sameeyay, hudheel kuwa laga cunteeyo ah, kaas oo shaqaalaha iyo adeegayaashiisu dhamaan maxaabiis ku xidhan jeelkaas wada yihiin, waana hudheel cunto iyo cabitaanada loogu jecel yahay dalkaas, ka iibinaya macaamiishiisa.

Hudheelkan oo maxaabiista danbiyadoodu fudud yahay dib loogu dhisayo noloshooda, waxa ka hawl gala lix iyo labaatan maxbuus, kuwaas oo mushqaayad lacageed oo buurana bishii loo qoray, sida wararku sheegayaan, hudheelkan ayaa labada dabaakh ee cuntada u kariya, looga soo dalbaday dibada xabsiga, waxaanay ka mid yihiin, kuwa cuntadooda loogu jecel yahay dalkaas.

Sida uu ku waramay telefishanka dawlada Talyaaniga ee Rai, maamulka xabsigan oo ku yaala waqooyiga dalkaas, ayaa talaabadan u qaaday, sidii loo kobcin lahaa dhaqaalaha maxaabiista danbiyada fud fudud galay, ee xabsigaas ku jira, kuwaas oo si gaar ah looga sii doortay, kuwa aan sigaarka qiijin, isla markaana aan ku welfin khamrada.

SomlegalAds

Hotel inside PrisonMacaamiisha hudheelkan ayaa ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshada, waana dad aan maxaabiis ahayn oo xor ah,si caadi ahna uu hudheelkani ugu furan yahay maalin iyo habeen, in kasta oo ilaalo joogto, haddana waxa kaliya shaqadoodu ku kooban tahay ilaalinta maxaabiista ka shaqaysa hudheelkaas.

Mid kasta oo ka mid ah maxaabiistan hudheelka looga dhex furay xabsiga ayaa la sheegay in mushaharo, bil kasta loo siin doono, lix boqol ilaa kun iyo labo boqol oo lacagta Yuurada ah, taas oo qayb ka mid ah laga dabari doono, lacagta uu hudheelku shaqeeyo, halka inta kale loogu daray miisaaniyada dawladu ku bixiso xabsigan.

Dhinaca kale qiimaha cuntooyinka kala duwan ee hudheelkan xabsiga ku dhex yaala, ayaa ah mid caadiyan aan waxba ka yarayn ta maqaaxiyaha waaweyn ee dalkaas ugu caansan, halka nafar ama cunto ee ugu jaban oo uu ka waramay telefishanku ayaa la sheegay in qiimaheedu yahay, 12 Yuuro iyo wixii ka sareeya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.