WorldRemitAds

Dawladda Islaamiga ah ee Iiran ayaa si rasmi ah u joojisay, xiisadaha luqadda afka Ingiriiska ee dugsiyada hoose ee dalkeeda, taas oo ka dhalatay walaac hogaanka sare ee Kacaanka dalkaasi ka qabo, in barashada Luuqada Ingiriiska ee ardayda dugsiyada hoose sababto dhaqan doorsoon ku dhaca ubadka.

Sida masuuliyiin sar sare oo ka tirsan wasaarada waxbarashada ee dalka Iiran warbaahinta u cadeeyeen, waxa si rasmi ah dugsiyada hoose ee dalkaas looga joojiyay, barashada luuqada Ingiriiska ee ardayda fasalka afraad ee dugsiga hoose ka hooseeya loo dhigi jiray.

Madaxa guddida tacliinta sare iyo manhajka dalka Iiraan, Mahdi Nawid oo la hadlay telefishanka rasmiga ah ee dawlada Iiran, ayaa sheegay in gabi ahaanba la mamnuucay barashada luuqada Ingiriiska ee dugsiyada hoose ee dalka Iiran, kuwa dawladu leedahay iyo kuwa gaarka loo leeyahay labadaba.

SomlegalAds

Masuulkan ayaa sheegay in dugsiyada hoose yihiin, marxalada aasaaska laga soo dhiso ardayda, sidaa awgeed ay waajib tahay in dhaqanka dalka Iiran iyo diintooda suuban la baro carruurta oo lagu ababiyo wakhtiga ay dugsiga hoose ee bilowga u ah waxbarashadooda ku jiraan.

Masuulkan ayaa xusay in luuqada Ingiriiska iyo luuqadaha qalaad lagu bari doono ardayda, marka ay gaadhaan dugsiyada sare iyo dhexe, gaar ahaan marka ay gaadhaan fasalada 8aad ilaa 4aad ee dugsiga sare, laakiin ay mamnuuc ka tahay dalkaas in dugsiyada hoose ardayda dhigata, luuqada Ingiriisiga la baro, waxa kaliya oo loo ogol yahay in luuqada Carabiga oo kaliya ay baran karaan ardayda dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka Iiran.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.