WorldRemitAds

Dhacdo naxdin leh, ayaa maalintii shalay ka dhacday dalka Malaysia, taas oo la xidhiidhay, wiil yar oo shan jir ah oo hooyadii kaga dhex tagtay gaadhi ay wadatay, ka dib markii ay ilowday sida loo malaynayo, halkaas oo muddo lix saacadood ah uu ku jiray, ka dibna ku dhex geeriyooday.

Sida ay ku warantay “New Straits Times.” Ee ka soo baxda dalka Malaysiya, hooyadan ayaa ilmaheedan yar ka soo qaaday, guriga, waxaanay u waday iskuul uu wax ka barto, laakiin deg deg ay ku cararaysay shaqadeeda oo iyada lafteedu la xidhiidhay dugsi kale oo ay macalimad ka tahay, ayaa sababtay in ay ku dhex ilowdo kursiga danbe ee gaadhiga halkaas oo uu muddo lix saacadood ah ku jiray, ka dibna loogu tagay isaga oo mayd ah.

Degaanka dhacdadani ka dhacday oo lagu magacaabo, Johor Baru, waxa ay magaalada caasimadda ah, ee Kuala Lampur u jirtaa 295 km oo dhinaca koonfureed ay kaga beegan tahay.

SomlegalAds

child-left-in-car-436x360Hooyadan ayaa sida dad goob joog ahi ku warameen, ilmaheeda yar xasuusatay markii la gaadhay wakhtigii fasaxa ee qadada, ka dibna waxa ay dadkii oo dhan jiidhay iyada oo ku dhawaaqaysa, magaca ilmaheeda yar, laakiin markii ay si deg deg ah u furtay gaadhiga ayay aragtay, wiilkeeda oo aan meel dhaqaaqda lahayn, ka dibna waxa loola cararay cusbitaal goobta ka dhawaa, kaas oo markii baadhis lagu sameeyay ka dib loo xaqiijiyay in wiilkaas yari geeriyooday oo aanu nolayn.

Dad badan oo goob joog ahaa ayaa sheegay, in ilmahan yar la arki kari lahaa, laakiin gaadhiga muraayaduhu u wada dalacnaayeen, oo midabkooduna madow ahaa taasina ay sababtay in la arki kari waayo.

1 COMMENT

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.