WorldRemitAds

Abu Dhabi, UAE, April 19, 2018, (Saxafi) – Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa joojisay inay Fiisaha dalkeeda lagu galayo u soo saarto dadka haysta Baasaboorka Soomaaliya, ka dib markii xidhiidhka ka  dhaxeeya dawladda Federaalka Soomaaliya uu gaadhey meeshii ugu xumayd. Halka tan badalkeeda ay ogolaatay Baasaaboorka Somaliland.

SomlegalAds

Waxay sidoo kale Xukuumadda Abu Dhabi hakisay cusboonaysiinta Iqaamada [Dal ku joogga] la siiyo  Soomaalida sidata Baasaaboorka Somalia ee ku nool wadanka Imaaraadka, oo isagu jira dad Ganacsato ah, kuwa si caadi ah ugu nool  iyo kuwa shaqooyin ka haya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in System-ka Socdaalka [Immigration] UAE laga saarey barnaamijka Fiisooyinka loogu soo saari jiray dadka sita Baasaboorka Soomaaliya.

Arintan ayaa ka mid ah jawaabo dhowr ah oo dawladda Imaaraadku kaga hal-celisay fal ceebeyn ahaa oo dawladda Soomaaliya kula kacday Diblomaasiyiinta Imaaraadka u dhashay oo la socday Diyaarad siday lacag loogu tala galay Ciidamada dawladda ee lagu qabtey 8-dii bishan Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Go’aanka cusub ee dawladda Imaaraadka ayaa saameyn xooggan ku yaalan kara kumanaanka Soomaalida ah ee ku sugan dalkaasi.

Dhanka kale, Xukuumadda Soomaaliya ayaa sameynaysa isku dayo ay ku qaboojinayso Xiisadda taagan, waxaana ay sheegtay inay wada hadal kula jirto Imaaraadka. Laakiin, ilaa hadda Imaaraadku taas kama u ubixin jawaab toos ah.

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya intii uu Farmaajo ku sugnaa Sacuudiga ayaa lagu sheegay in lacagtii lagu qabtay Garoonka Muqdisho la xaqiijiyay in loogu tala galay Ciidamada, isamarkaana la fasaxayo.

Goor sii horeysay, Wasaaradda amniga ee Somalia ayaa tilmaantay in lacagta laga keenay Imaaraaka ay ka shakiyeen sidaasi darteedna ay baadhayso halka loo waday, cida keentay iyo ujeedka laga leeyahay, waxaanay ku dooday in la dhigay lacagta Bangiga Dhexe.

Imaaraadka ayaa ku dhawaaqay todobaadkan inuu joojiyay tababarka Ciidamada dawladda Somalia iyo bixinta mushaaraadkooda, waxaana uu kala soo baxay Muqdisho tababariyaashii ka joogay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.