WorldRemitAds

Dubai, UAE, July 23, 2018 (Saxafi) – Imaaraatka Carabta ayaa kor u qaaday Meeqaamkii Dublamaasiyadeed ee xafiiska Jamhuuriyadda Somaliland ku leedahay dalkaas, waxaana munaasibad kor-u-qaadista meeqaamka xafiiskaas loo qabtay xadhigga ka jaray Madaxweyne Ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibadan shalay lagu qabtay xarunta xafiiska Ganacsiga Somaliland oo ay ka qeybgaleen  Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Arrimaha Dibedda Dr Sacad Cali shire, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe, Safiirka Somaliland ee Imaaraatka Carabta Amb Baashe Cawil Cumar, Prof Cali Khaliif Galaydh, ganacsato, marti-sharaf iyo masuuliyiin ka socday Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Imaaraatka, ayaa masuuliyiinta ka qeybgashay ka jeediyeen hadalo lagu soo dhoweynayo, isla markaana dib u xaqiijinaysa adkeynta iyo sii kobcinta xidhiidhka soo jireenka ahaa ee labada shacab ee Somaliland iyo Imaaraataha carabtu wadaagaan.

SomlegalAds

Safiirka JS lee Imaaraatka Carabta, Baashe Cawil oo munaasibada hadal ka jeediyey ayaa sheegay in sare u qaadida meeqaamkii xafiiska Somaliland muujinayso muhiimada xidhiidhka iskaashi ee labada wadan wadaagaan,

“Aqoonsi la’aanta dalkeena caqabado badan ayey ka soo marnay, laakiin, dhamaantood waynu ka soo gudubnay. Koboca cilaaqaadka siyaasadeed ee u dhexeysa Somaliland iyo dalka Imaaraatka carabta ayaa muujinaya sida dadkeenu marwalba ugu heelan yihiin horumar ay gaadhaan, tusaalena u tahay halka shacabkeenu geedigooda ka soo bilaabeen iyo heerka maanta ay marayaan.

Danjire Baashe ayaa sheegay in dalka Imaaraatku hoy u yahay baddi ganacsatada reer Somaliland isla markaana yahay dhuunta xidhiidhisa ganacsiga adduunka,

“Maanta inbadan oo shirkadaha Imaaraatka sida DP World, Ras Gas, iyo shirkadaha diyaarado ayaa bilaabay inay maalgelin ku sameeyaan dalkeena, furitaanka xafiiskan ganacsiga Somaliland, waxuu albaabada u furi doonaa fursado maalgashi cusub u yimaado dalkeena.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Hoyga Ganacsiga iyo Warshadaha Imaaraatka, qiritaankooda koritaanka xidhiidhka ganacsi ee labada wadan wadaagaan. Waxaan saadaalinaynaa in fursadani noqoto mid fududeysa ganacsi dalkeena, oo saamaxda in fursado dhinacyo kala duwan u furmaan isku xidhka ganacsatadeena iyo caalamka.

Sare u qaadida meeqaamkii xafiiska Somaliland ku leedahay dalka Imaaraatka Carabta ayaa jawaab muuqata u noqonaya dhaliilo madaxda xisbiga Wadanni iyo xildhibaanada qaarkood ku sheegayeen in siyaasada Arrimaha Dibeda ee xukuumadu hoos u dhacday.


The Somaliland Trade Office, United Arab Emirates

The Somaliland Trade Office is located in Central Dubai at Address

The Trade Office can be contacted on Telephone number here, or E-mail: uaetradeoffice@somalilandgov.com.

The role of the Somaliland Trade Office is to protect the interests of Somaliland and Somaliland nationals, within the limits permitted by international law; negotiating with the United Arab Emirates Government as directed by the Government of Somaliland; ascertaining by lawful means conditions and developments in the United Arab Emirates, and reporting thereon to the Government of Somaliland; promoting friendly relations between Somaliland and the United Arab Emirates, and developing economic, cultural and scientific relations between Somaliland, on one hand, and the United Arab Emirates, on the other.

One of the core responsibilities of the Somaliland Trade Office is to deliver the best possible counsel to Somaliland citizens, who find themselves in an emergency situation in the United Arab Emirates or are in need of the Somaliland Trade Office’s assistance for other reasons. Somaliland citizens in distress are always welcome to contact the Somaliland Trade Office.

The staff of the Somaliland Trade Office is headed by Mr. Bashe Awil Haji Omar. Mr. Omar is the Lead Representative of Somaliland in the United Arab Emirates. He is appointed by H.E. President Ahmed M. Mohamoud Sillanyo. He can be contacted on uaetradeofficerep@somalilandgov.com.

Somaliland Trade Office Dubai

Address Plot 34 Building # 1

Metropolis Building Floor

number 5 Office number 508

Burj Khalifa Street Business

Bay Dubai UAE

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.