WorldRemitAds

Boqortooyada Ingiriiska ayaa 19-ka bishan aynu ku jirno ee May 2018, qabsan doonto mid ka mid ah aroosyada ugu qaalisan aduunka, kaas oo dad badan oo arrimaha dhaqaalaha ka faaloodaa saadaalo kala duwan ka bixiyeen, kana hadleen qiimaha uu ku kacayo.

Arooskan oo ay ku aqal galayaan amiir Harry oo ah qofka saddexaad ee dhaxalka boqortooyada leh iyo afadiisa Meghan Markle, kaas oo sida la sheegay ay ka soo qayb geli doonaan marti sharaf tiradoodu lagu qiyaasay ilaa kun iyo toddoba boqol (1700) oo qof, kuwaas oo afar boqol oo ka mid ahi dibadda ka imanaya.

SomlegalAds

Marka laga faaloonayo qiimaha arooskan ayaa laga eegayaa, dharka ay ku soo labisanayaan lamaanahan reer boqor oo loo aroosayo, cuntada iyo sharaabka xaflada iyo kharashaadka ku baxaya dadka martida ah ee lagu soo casuumo arooska.

Bogga Lixaad ee Saxafi Cadadkii 2002 ee soo baxay Khamiis May 17 2018

Sida dhaqaale yahanadu sheegeen toobka aroosada Meghan ay ku soo lebisan doonto habeenkaas ayaa qiimihiisu noqonayaa, afar boqol oo kun oo dollar, halka lacago aad u tiro badani ay ku bixi doonto marti sharafka iyo sharashaadka arooska.

Kuwaas oo marka la isu geeyo lagu qiyaasay toban milyan oo dollar, waxaanu noqon doona arooskii ugu qaalisanaa adduunka ee wakhtigan casriga ah la diiwaan geliyo, waxa kale oo uu jabiyay dhamaan rikoodhada lacagihii ku baxay aroosyadii adduunka.

Arooskan ayaa sidoo kale toban jeer ka qaalisan dhigiisi 2011-kii oo ahaa arooskii ugu danbeeyay ee boqortooyada Ingiriisku qabsato, kaas oo loo dhigay amiirka labaad ee dhaxalka boqortooyada Ingiriiska leh oo lagu magacaabo Amiir William, kaas oo sida la sheegay ay ku baxday lacag hal milyan iyo badh dollar lagu qiyaasay.

Arooskan ayaa markii dhinac kasta laga qiimeeyay la isku raacay in toban milyan iyo dheeraad uu ku kici doono, taas oo wax lala yaabo ku noqonaysa dhaqaale xumada ku habsatay dalka Ingiriska oo dhaqaale xumo wayni ku habsatay tan iyo wixii ka danbeeyay markii Britain ka baxday midowga Yurub.

Dhinaca kale dhaqaale yahanada iyo dadka ka faalooda arrimaha boqortooyooyinka aduunka, ayaa isku waafaqsan in lacag aad u badani ay ku bixi doonto arooskan, kaas oo dad badan oo Ingiriis ahi ku tilmaameen mid dhaqaale burbur ku ridaya dalkooda, dhibaatana ku noqonaya dakhliga qaranka ee cashuur bixiyayaasha Ingiriiska.

Waxyaabaha kale ee layaabka ku noqday dunida, gaar ahaan dadka daah furnaanta dhaqaale ee dawladaha casriga ahi ku dhaqmaan taageera, dhaqaalahan bilaa xisaabta ah ee arooskan ku baxaya, kaas oo aan waxba ka duwanayn tasarufaadka boqorada kali taliyayaasha ah ee adduunka, sida boqorada Khaliijka ee lacagta shidaalka jaqaya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.