WorldRemitAds

Ammaanka guriga ay Ingiriiska ka degan tahay garyaqanada Caalamiga ah ee Amal Alamudin (Amal Clooney) ee magaalada London ayaa aad loo adkeeyay, ka dib markii hanjabaad in la dili doono, Garyaqaanada u dhaxday Jilaaga reer Hollywood ee George Clooney laga war helay.

Garyaqaanadan caalamiga ah oo difaacaysa Madaxweynihii hore ee dalka Maldives, Mohamed Nasheed, ayaa hanjabaada loo soo diray, loogu sheegay inay difaacday nin argagixiso ah oo la khaarajin doono.
Markii hanjabaadaasi soo baxday ayaa ammaankeeda iyo ka guriga ay degan tahayba si wayn loo adkeeyay, waxaanay ciidamada Ammaanka ka dalbadeen inay ilaalo hubaysani raacdo mar kasta oo ay gurigeeda uga baxayso masaafo sadex boqol oo mitir ka badan.
Waxa guriga lagu xidhay kamaradaha ilaalada ee dhaqdhaqaaqa raaca meelaha fogna wax ka bidhaansada, sida shabakada wararka Metro ku warantay.
Garyaqaanadan Caalamiga ah ee Amal Alamudiin, ayaa dhalashada Ingiriiska haysata, waxaanay asal ahaan u dhalatay dalka Lubnaan, gaar ahaan dadka Duruusiyiinta loo yaqaano oo ah kuwa ay ka soo jeedo, waana haweenay Muslim ah oo Ab iyo awoowba ku abtirsata Diinta Islaamka.
Waxa ay hore guddoomiye ugu ahayd garyaqaanadii difaacayay suxufiyiinta telefishanka Aljazeera ee dalka Maras, waxa kale oo ay garyaqaan u tahay, Madaxweynihii hore ee Maldives, Mohamed Nasheed iyo madax tiro badan oo dacwado kaga socdaan meelo badan oo dunida ka mid ah.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.