WorldRemitAds

Warbaahinta boqortooyada Ingiriiska ayaa mar kale fashilisay, qorshe xukuumadda dalka Ingiriisku kaga arinsanayso, qaabka loogu baroor diiqayo boqorada Elizabeth II, marka ay dhimato iyo sida aaska iyo baroor diiqda loogu samayn doono.

Sida warbaahinta dalkaa badankoodu ku warameen, xukuumada raysal wasaare Teresa May, ayaa maalmihii ugu danbeeyay kulamo qarsoodi ah, ka lahayd qaabka loo agaasimayo aaska iyo xuska baroor diiqda boqorada Elizabeth II, marka ay dhimato, waxaana laga arinsaday qaabka dadka loogu sheegayo ama loo ogaysiinayo, sida aasku u dhacayo iyo qaabka loogu baroor diiqayo.

SomlegalAds

Sida jariirada Sunday Times ay ku warantay, waxa qorshahan si khaas ah loogu saaray, gudi raysal wasaare ku xigeenka Britain David Roy Lidington hogaaminayo, kana kooban dhamaan golayaasha dawlada iyo wasiirada ugu qarada wayn xukuumada.

Kulan lagu faaqidayo arrintan iyo kalmadaha qarsoodiga ama sirta ah ee loo isticmaali doono, ayaa ka dhacay xafiiska raysal wasaare Teresa May, waxaana gudoominayay raysal wasaare ku xigeenka David Lidington, wasiirka arrimaha gudaha Sajid Javid, Guddoomiyaha golaha wakiilada Andrea Leadsom iyo wasiirka Scotland David Mundell.

Intii shirkani socday waxa lagu go’aaminayay in la sameeyo tababaro la xidhiidha qaabka loogu baroor diiqayo boqorada iyo hab maamuuska loo aasayo marka boqoradu dhimato, kuwaas oo noqonaya heerkii ugu sareeyay taariikhda ee loogu diyaar garoobo baroor diiqda boqorada.

Waxa kale oo la isla go’aamiyay in muddo toban maalmood ah tababarada u diyaar garowga boqoradu socon doonaan, waxa kale oo la cayimay goobta lagu qabanayo tababarada loogu gogol xaadhka sii galbinta boqorada Elizabeth II, marka ay dhimato.

Kalmada sirta ah ee tababaradani ku socon doonaan ayaa noqon doonta D+1, oo macno ahaan noqonaysa ama loo soo gaabiyay, qalcada taariikhiga ah ee “Dove Castle” halkaas oo noqon doonta goobta meydka boqorada laga qaadi doono, ka dib marka ay dhimato.

Boqorada Ingiriiska Elizabeth II, ayaa laba iyo sagaashan jirsatay bishii April ee sanadkan, waxaanay noqotay qofkii ugu cimriga dheera boqortooyada Ingiriiska Abid, marka loo eego muddada ay kursiga taajka boqortooyada ku fadhiday oo dhawr iyo lixdan baarka ka jaray.

Qorshan u diyaar garowga dhimashada boqorada Ingiriiska waxa ku jira tababar la siin doono lixda boqol ee xubnaha barlamaanka dalkaasi ka kooban yahay, kuwaas oo lagu diyaar garayn doono, degaanka Buckingham Palace.

Xubnaha barlamaanka Ingiriiska ayaa la bari doona, qaabka ay uga qayb gali doonaan, aaska boqorada sii galbinteeda, intaa ka dibna ay uga qayb geli doonaan hab maamuuska boqorka cusub ee boqortooyada Ingiriiska oo noqon doona, Prince Charles oo ah qofka ugu xiga, haddii uu ka hor dhintana uu dhaxalka la wareegi doono wiilkiisa Prince William.

Kalmada sirta ah ee la isticmaalayo marka boqoradu dhimato ayaa ah waxa ugu muhiimsan ee Ingiriisku ka tashanayay sanadihii ugu danbeeyay, waxaana inta badan soo jeedimihii la soo bandhigay ugu badnaa kalmad macno ahaan la mid ah, in biriishka wayn ee magaalada London dhacay ama shay muhiim ah oo adduunyada qiimo ku lahaa lumay, kaas oo looga baahan yahay in qofka raysal wasaaraha ka ah dalku adeegsado marka boqoradu dhimato.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.