WorldRemitAds

Muqdisho, Somalia, July 03, 2018 (Saxafi) – Dawladda Britain ayaa qalab uu qiimahooda gaadhayo 5.6 milyan oo pound ugu deeqday Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay gacan uga geystaan dagaalka ay doonayaan tobanaanka sanno inay ku wiiqaan kooxda Al-Shabaab oo tan iyo 2007 dagaal adag kula jirta.

Qalabkan oo ay ka mid yihiin gaadiid u badan Cagafcagafyo,  gawaadhida alaabta baaburta kale lagaga  wareejiyo, gaadiidka xamuulka, iyo kuwa kale ayaa waxaa laga adeegsan doonaa Qaybta Koowaad, Labaad iyo Shanaad iyo Qaybta Xoojinta Hawlgalka ee saldhiggeedu yahay Muqdisho.

SomlegalAds

David Concar safiirka Britain ee Soomaaliya , ayaa markii uu qalabka wareejinayay maalintii Sabtida waxaa uu sheegay in dowladdiisa ay ku faraxsan tahay in ay AMISOM kala shaqeyso dadaalladeeda ay ku dooneyso in ay xasiliso Soomaaliya, ayna nabad iyo amni waara ka dhaliso dalka. “Waxa aan maanta sameyneynaa, in aan qalab qiimahooda lagu qiyaaso 5.6 milyan oo baund in aan wareejinno, waxaan rajeyneynaa in ay si weyn gacan u siiyaan AMISOM in ay nadiifiyaan waddooyinka, waddooyinka muhiimka ah iyo in ay sii wadaan xasilinta Soomaaliya, iyo inay la shaqeeyaan ciidamada Soomaaliya, xilli ay awooddooda sii kobceyso,” ayuu yidhi Safiirka Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya.

Ingiriiska Oo Qalab Malaayiin Doollar Ah Ku Wareejiyay Ciidamada Amisom Ee SomaliaConcar ayaa uga mahadnaqay ciidamada nabad-ilaalinta iyo waddamada ciidamada deeqay dadaalka ay geliyeen in ay xaqiijiyaan in ay Soomaaliya hesho xasillooni. “Waan idin kaga mahadcelineynaa AMISOM wax walba oo aad qabateen iyo waddamada ciidamada deeqay, iyo gaar ahaan ciidamada meelaha halista ku sugan ayaga oo naftooda u hura xasilloonida iyo horumarka aan aragnay,” ayuu raaciyay Safiirka Ingiriiska.

Isaga oo la wareegaya 49 makiinado oo culus, ayaa Taliyaha Ciidamada AMISOM, Sarreeye Guud Jim Beesigye Owoyesigire, sheegay in qalabkan ay wax badan tari doonaan xilligaan oo ay ciidamada ku dadaalayaan in ay Al-Shabaab ka saaraan meelaha muhiimka ah oo ay wali gacanta ku haayaan. “Waan uga mahadcelineynaa dowladda Ingiriiska taageerrada sida ay noogu taageertay qalabkan lagu xoojiyo ciidamada,” ayuu yidhi Sarreeye Guud Owoyesigire.

Taliyaha Qaybta Koowaad, Sarreeye Guuto Paul Lokech, oo qaabilay qalabka loogu deeqay ayaa ballan-qaaday in uu si wanaagsan u adeegsan doono qalabka si loogu guuleysto hannaanka kala-guurka.

“Waan garaneynaa qalabka, waan wanaajin karnaa awooddeenna dhinaca hawlgallada sidoo kale waxa ay nag caawin doonaan, anaga oo la kaashaneyna Soomaalida, in aan ku guuleysanno wajiga koobaad ee kala-guurka.”

Sanadkii la soo dhaafay, Golaha Ammaanka ee QM ayaa waxaa uu meelmariyay in la dhimo tirada ciidamada AMISOM, isla markana mas’uuliyadaha amniga loogu wareejiyo ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.