WorldRemitAds

Ururada dhakhaatiirta dalka Britain ayaa xukuumadda dalkooda ka codsaday inay deg deg u dhaqan galiso sharci cusub oo guud ahaan wadankaas ka mamnuucaya in sigaarka lagu dhex qiijiyo gaadiidka dhexdiisa, taas oo la mid ah sidii hore looga mamnuucaya ku cabista sigaarka ee goobaha dadku ku kulmaan oo hore dalkaas uga dhaqan gashay.

Dhakhaatiirtan ayaa sheegay in cilmi baadhis cusub oo ay dhawaan sameeyeen muujinayso wasakhow aad u sareeya oo sigaarka gaadiidka dhexdiisa lagu cabaa hawada ku sii daayo, taas oo ay sheegeen inuu 23jeer ka badan yahay ka caadiga ah ama qiiqa gaadiidka badankoodu ku sii daayaan hawada.

Kooxahan dhakhaatiirta Ingiriiska oo ururkoodu waxa uu soo saaro ay deg deg u fuliso xukuumadda dalkaasi waxa ay cod u qaadeen in la mamnuuco iyo in ganaax lagu soo rogo, ka dibna waxa aqlabiyad wayn ku guulaystay kooxihii dalbanayay in gabi ahaanba la mamnuuco, sidoo kale waxa ay kooxdani isla qaateen lacag ganaax oo aad u culus oo la saari doono gaadhiga iyo cida u hogaansami wayda sharcigaas.

SomlegalAds

Dalka Ingiriisku waxa uu ka mid yahay wadamada ugu horeeya dhinaca farsamaynta sigaarka waxaanu dunida u dhoofiyaa boqolaal kun oo tan sanad walba, hasa yeeshee waxa uu dagaal kula jiraa sidii uu dalkiisa nadiif uga dhigi lahaa, hawadiisuna u noqon lahayd mid aan sigaar lagu qiijin, taas oo ay muujinayaan sharciyada iyo xayiraadaha is xig xiga ee lagu mamnuucayo sigaarka

Dhinaca kale warbixin caafimaad oo laga diyaariyay heerka waxyeelada sigaarka ee dalkaas ayaa shaaca ka qaaday in sanad walba ilaa 80-kun oo xaalado dhimasho uu sababo sigaarku, sida warbixintaasi sheegtay waxa kale oo dawlada Ingiriiska iyo shirkadaha sigaarka ka ganacsadaa ay sanad walba ku bixiyaan dhibaatada ka dhalata sigaarka malaayiin gini oo lacagta dalkaas ah.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.