WorldRemitAds

London, UK, March 10, 2012, (Saxafi) – Shabaaz Hussein oo ah macalin ku-xigeen u ahaa sarkaal dhinaca tababaradda u qaabilsan ururka Al Shabaab ee ka dagalama dalka Somaliaayaa Maxkamad Ingiriis ahi ku xukuntay xadhig iyo lacag ganaax ah.

Ninkan oo u dhashay waddanka Ingiriiska ayaa waxa  kiisaska dambiyada ah ee lagu soo oogay ka mid ah inuu lacag dhan 9,000 kun oo Giniga istirliniga ah oo dhiganta $14,000 uu u direy ururka Al shabab. Shabaaz Hussein oo da’diisu tahay 28 jir. ayaa la sheegay in sanadkii 2010 uu direy 3 nin oo ay saxiibo ahaayeen oo uga tagay dalka UK siddii ay uga qayb geli lahaaayeen hawl galoArrgagixiso oo ku aadan gobolka Geeska Africa. Waxa kale oo laga helay gurigisa oo ku yaal degmada Stepney ee bariga magaaladaLondonwaraaqo iyo Dokumantiyo la xidhiidha hawl galo laga fulin lahaaAfrica.

Cadeymahan la ururiyay ee Bilaysku ay u gudbiyeen xeer ilaaliyaha kiiskiisa soo oogay, ayaa waxa ku jira  cod laga duubay isagoo ku sugan baabuurkiisa. Xaakimka xukunka ku riday ninkan oo la yidhaa Mr. Justice Calvert-Smith ayaa waxaa uu yidhi. “Waxaa jira sida ku cad cadaymaha la soo bandhigay ee maxkamada horteeda la keenay in ay amaanka nabad geliyada shacabka ku dhaqan wadamadaKenyaiyoSomaliaay helis ku jiraan”.

SomlegalAds

Xaakimku isaga oo haddalkiisa sii watta waxaa uu intaas ku daray oo uu yidhi intaanu fulin xukunka “Waxaad oogataa  aragtidayda gaarka ah in aad ku jirtay oo aad caawinaysey hawl gallo argigaxiso ah”, Hussein oo ah nin dhalasho ahaan ka soo jeeda wadanka Ingiriiska ayaa ka qirtay maxkamada horteeda in uu lacago u direy shakhsiyaad ku hawlan arrimahan lagu eedeeyay oo ay ka midyihiin Maxamed Jahangir, Tufual Ahmed iyo Maxamed Shahim, kuwaasoo ah sadex nin oo loo yaqaano “Three Somali”.

Xeer ilaliyaha kiiska soo oogay ayaa waxaa haddaladda uu ku eedeeyay ninkan ka mid ahaa oo uu yidhi. “Guriga Hussein waxaa uu ahaa xarun argagixiso oo ay ka buxaan dokumantiyo la xidhiidha arrimo argagixiso.”

Ninkan ayaa lagu xukumay shan sanadood oo xadhig ah iyo ganaax dhan $14.000

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.