WorldRemitAds

Baarlamaanka dalka Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran ayaa la hor keenay sharci cusub oo mamnuucaya, rabayadaynta Eyda iyo daanyeerada, waxaana mooshinkan cusub oo shan iyo sodon mudane golaha hor keeneen, uu ku baaqaya in laga hor tago, dhaqan doorsoonka ku dhacay shacabka dalkaas, kuwaas oo sida mudanayaasha xeerkan dabada ka riixayaa ku doodayaan, wakhgiyadii u danbeeyay isku badalay sida dhaqanka reer galbeedka oo kale.

Xeerkan ayaa haddii la ansixiyo oo baarlamaanku ogolaado, waxa uu jidaynayaa, in qof kasta oo dhaqda, Ey ama daanyeer lagu ciqaab mariyo dhengadayn meel fagaare ah lagu fuliyo oo ilaa dhawr iyo todobaatan jeedal lagu dhufanayo.

Mudanayaasha xeerkan golaha soo hor dhigay ayaa sheegay in Eygu Nijaas yahay oo diinta Islaamku mamnuucday in guryaha lagu rabaysto, iyadoo aan wax baahi ah loo qabin, sidaa awgeed ay waajib ku tahay, dawlada dalkaasi inay fuliso, oo meesha ka saarto, dadka sida reer galbeedka oo kale u dhaqda.

SomlegalAds

Mudanayaashan ayaa ku taliyay, in eyda marka la mamnuuco, inta laga ururiyo dadka dhaqda ee guryaha ku haysta, ka dib ay wasaarada xanaanada xooluhu gayso goobo lagu xanaaneeyo si loogu adeegsan karo, waxyaabaha diintu ogoshahay sida ilaalinta beeraha iyo baadhitaanada booliska.

Waxa kale oo uu xeerkani ku talinaya, in noocyada aan wax tarka lahayn ee dadku iska dhaqdaan, gaar ahaan eyda yar yar ee dadka Gaaladu jecel yihiin, inta la dhufaano la daryeelo inta nolosha uga hadhay, ka dibna si aanay u tarmin sidaa lagaga takhaluso.

Waxyabaha xeerkan ku jira waxa ka mid ah ciqaabta uu mudan karo, qofka amarkaas fulin waaya, gaar ahaan qofka Muslimka ah ee diintu ka reebtay in Ey-da uu siyaabo raaxo u rabaysto, in lagu fuliyo jeedalin 74-jeer la shaabuugayo, isla markaana lagu ganaaxo lacag sadex ilaa shan boqol dollar u dhiganta.

Sida wakaaladaha wararku ku waramayaan, dalka Iran ayaa waxa wakhtiyadi ugu danbeeyay ku soo badanayay, dhaqashada Eyda, waxaana meelaha jidadka ah lagu arkaa dad sita Ey yar yar oo mararka qaarkoodna wax ku siinaya jidadka, waxaanu sharcigani dhigayaa in aan haba yaratee goob fagaare ah lagu arki Karin, Eyda isla markaana qof sitaa aanu la raaci Karin gaadiidka dadwaynaha.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.