WorldRemitAds
Dhismaha sida masaajidada taariikhiga ah, qiyaas tobanaan kilo mitir ka badan laga soo bidhaansan karo, kuna yaala magaalada Tehran ee caasimadda dalka Iran, ayaa farta laga qaaday maalmo yar ka hor intaan la gaadhin xuska dhimashada aasaasihii kacaanka Islaamiga ah ee dalka Iran Ayatulah Khumayni, kaas oo dalkaas qabsaday sanadkii 1979-kii.

In kasta oo markii 1979-kii Ayatulah Khumayni ka soo laabtay mastaafuriskii uu dalka Faransiiska ku joogay, fuqarada iyo inta badan shacabka dalkaasi rejo wayn ku qaabileen, isla markaana ay filayeen inay geli doonaan jano iyo barwaaqo u badasha, tii maamulkii Boqor Shaah Maxamed Rida Al Bahlawani, may dhicin oo may noqon sidii ay ku hawoonayeen.
Waxa dalkaasi galay xaalad nidaam ahaan bulshada badankeeda kaga adag kii Shaahi Iran ee Ayatullah kacdoonka ku riday, waxaanay hantidii iyo nolosha inteedi ugu macaanayd gacanta u gashay oo hantiyay, siyaasiyiin tiro yar iyo ganacsato dhiig miirato ku noqday dadka.
Wallow Ayatullah Khumayni wax badan badalay horumarna ka dhalin gaadhay dalka, haddana umay suura gelin oo uu wuu ka dhintay, waxaanu talada hogaaminta sare ee kacaanka ka dhaxlay golihii uu dhisay iyo imaamyadii uu sida tusbaxa u sii taxay, kuwaas oo sida waddan boqortooyo ah isaga dhaxli doono hogaaminta ruuxiiga ah ee dalka.
Maalmihii ugu danbeeyayna waxa dalkaas ka socday xusus waaweyn oo loo dhigayo Ayatullah Khumayni, kuwaas oo meel kasta oo dadka aaminsan mad-habta Shiicadu ka joogaan dunida laga qabtay, laakiin kiisa ugu wayni ka qabsoomay magaalada Tehran ee caasimadda dalkaas iyo dhismaha maqaamka iyo qabriga Ayatullah ku yaalaan.
Waxa maqaamka iyo qabriga Ayatullah lagu daday tobanaan tan oo dahab saafi ah, waxaana lagu xardhay, macdanaha iyo xariirta noocyadeeda ugu qaalisan.
Sida injineerada dhisay ay warbaahinta u sheegeen, waxa qabriga Ayatullah iyo maqaamkiisa ka samaysan yihiin, dhismaha ugu adag dunida ee aanu dhul gariirku dumin Karin, waxaanu awood u leeyahay inuu qabriga iyo maqaamkuba ay iska difaacaan dhul gariir heerkiisu gaadhsiisan yahay toban Richter scale, qiyaasta dhul gariirka.
Waxa kale oo uu dhismahani leeyahay saqaf loogu talo galay inaanu waligii duugoobin sida ay dadkii dhisay sheegayaan, kaas oo dhamaantii ka samaysan dahab saafi ah oo qiyaas ahaan dhan sadex boqol iyo afartan ton oo dahab ah iyo konton ton oo macdano kala duwan ah.
Gidaarada iyo tiir kasta oo ku yaala dhismaha qabriga iyo maqaamka ayaa laga shaqaynayay muddo bilo iyo sanado ah, waxaana iska daba eegay oo mid mid u cabiray, injineero iyo aqoon yahanada dhismaha ugu sareeya ee dunida.
Waxa kale oo dhismaha maqaamku leeyahay hoolal waaweyn oo loogu talo galay, in lagu qabto xusaska loo dhigayo Aayatullah, kuwaas oo gudahoodu muuqaal ahaan aanu waxba ka dhicin hudheelada waaweyn ee lagu raaxaysto.
Sida warbixin injineeradii iyo dadkii dhisay ka soo saareen cadaysay, waxa dhismaha qabriga iyo maqaamka Ayatullah ku baxay oo dawlada Iran gelisay, hal bilyan oo dollar ama kun milyan oo dollar, waxaanu sida la sheegay noqon doona qabriga ugu dhismaha qaalisan dunida oo dhan, sida hadalka loo dhigay.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.