WorldRemitAds

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh

Lix bilood ku dhawaad ayaa laga joogaa markii ay ciidamada Qaranka Somaliland xoog kula wareegeen deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, kaasoo qayb ka ah dedaal dawlada Somaliland ku doonayso inay xuduudaha dalka ku sugto ama ku soo xidho.

SomlegalAds

Dagalaakii ciidanka Somaliland ku qabsadeen Deegaanka Tukaraq, waxa uu ahaa dagaal la doonayey inuu fure u noqdo in deegaanada kale ee ku jira xuduudka Somaliland la gaadhsiiyo maamulka dawladeed, meeshana lagaga saaro shakiga iyo shicibka niyadda kala socda maamul goboleedka Puntland iyo Somalia, hase yeeshee weli ciidankii Somaliland waxaa ay ku suganyihiin halkii ay joogeen shan bilood ka hor mar walbana waxaa lagu soo doonanayaa oo lagu soo weerarayaa.

Waxan xasuustaa dagaalkii Somalia la gashay dawladdii Mingiste 1977, kaasoo ahaa kii ugu xumaa uguna khasaaraha badnaa ee dhex mara labadaa al ee deriska ah ee ay kala xukumi jireen laba nin oo miltari ah oo weliba wada haystay mabaadi’da shuuciyadda ama socialistkii.

Labada dalba waxa taageero miltari siin jiray midowgii Soogiyeti ee burburray, waxaana ay wada haysteen hub aad u xoog badan, balse shicib ahaan iyo miltari ahaanba waa ay kala xoog badnaayeen. Somalia oo lagu qiyaasi karayay 3 milyan ayaa waagaa la dagaalantay shicib tiradiisu ka badnayd 40 milyan. Dagaalkaasi waxa bilowgiisii gacanta sare lahaa dawladii miltariga ahayd ee Siyaad Barre, taasoo markiiba duulaan ay ku qaaday gobolka Soomaalidu degto ee maanta loo yaqaan kilika shanaad 70% ku qabsatay dagaal socday wax ka yar laba bilood. Magaalada Jijigga ee xarunta maanta u ah DDS ayaa waxa ciidanka Somaliya 1977 kii ku qabsadeen wax ka yar laba wiig, ciidankii Mingiste ee Itoobiya ee halkaa joogeyna waa laga saaray, dibna waxaa uu ugu guuray dhinaca Addis Ababa iyo Diri Dhaba, hase yeeshee markii ay ciimadii Siyaad Barre Jijiga ku qabsadeen wakhtigaasi kooban ayaa waxay ciidankaasi dhaafi waayeen meel labaatan km Galbeedka ka xigta Jijiga oo la yidhaa “Goray”‘. Deegaanka Gorey oo dhinaca Addis Ababa ka xiga Magaalada Jijiga ayaa dhawr jeer oo ay ciidanka Somalia duulaan ku qaadeen dib loogga soo waabiyey, ama arrimo miltari ama kuwa siyaasadeed dib looga soo celiyey ciidankii Somalia. Siyaad Barre oo dhawr jeer Idaacadaha ka maqlay in Ciidankii Somalia weli Gorey ku suganyihiin ayaa laga soo xigtay inuu yidhi ‘Gorey ma Geed la hadhsadaa, maxaa dhigay ciidanka Xoogga dalka “Waxayna noqotay in aakhirataankii ciidadankii Somalia dib looga soo celiyo Gorey iyo Jijiga lana soo karbaasho ilaa xadka la soo dhaafiyo.”

Hadab marka la eego taaiikhda Tuulada Gorey ee 1977kii iyo tan maanta ka taagan Tukaraq ee ciidanka Somaliland mar kasta lagu soo weerarayo haddana halkii uun lagu soo celinayo ayaad mooddaa inay la mid tahay uun tuuladaas Gorey ee ciidankii Somalia ha dhaafina la lahaa ilaa dib looga soo eryeday, waxana loo baahnaa in ciidanka Somaliland ee 28ka jeer lagu soo weeraray Tukaraq aanay halkaa joogine hore uga dhaqaaqaan ilaa Soohdinta dalka ee lixdanka Km u jirta , mana sii socon karto in mar kasta oo la soo weeraro ciidanka qaranku iskana difaacaan maleesiyada Puntland ay halkaa sii fadhiyaan,  mana maqli karaan shacbniga Somaliland in bilo kale iyo sanado kale loo sheego in ciidanka qaranka dalku weli ku suganyihiin Tukaraq, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay inaanayTukaraqi noqonin Tuuladii Gorey ee daglaakii 77 ciidankii Somalia dhaafi kari waayeen ilaa laga soo eryeday 1978kii oo Ruush iyo Kuuba dagaalka soo gashay.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.