WorldRemitAds

 

Ibraahim wuxuu ahaa wiil ku nool meel tuulo ah, waqtigu wuxuu ahaa  mid gu’ ah oo dhulka baadka ka baxay dhammaan wuxuu ahaa mid cagaaran oo qurux badan.

Waxay ahayd goor casar gaab ah oo cadceeda casar cidhifka la gashay godkeedii, muuqaalka cirku waxa uu ahaa midaan daruuro badan lahayn, dhagaha waxa ku soo dhacayay codadka shimbiraha ee kala duwan iyo foodhida raha.

SomlegalAds

Waa xilli dhiiluhu caano ceegaagaan oo dhay iyo may-dhanaanba ka buuxaan, xooluhuna dharag ay la jiifaan oo mid walba meeshii ku beegnayd baadka markay ka haagtay ee ay dhamayn kari wayday fadhiga miciinsatay.

Laydha qabow ee dhacaysa waxa ku lamaan saxnsaxo udgoon oo xareed ka urayso, Ibraahim wuxuu leeyahay Geel boqol ku dhawdhaw laakiin waa doob aan u jeesan xagaas iyo Dumarka oo Haasaawe iyo guurtoona iskuma hawlin.

Ibraahim waxa maalmahaa ka lumay Geelii oo uu daaq geeyay, waxaanu baadi-doon u galay sidii uu u soo heli lahaa geella ka lumay,  isaga oo socodkii ku guda jira ayuu la kulmay gabadh gashaanti ah oo Illaahay ku manaystay qurux iyo joogba, oo xayn Adhi ah caraabinaysa. Wuu salaamay in kasta oo aanu aftahan ku ahayn xaga dumarka hadana Rag dammac iyo dacaritoona kama dhamaatee wuxuu ku ashqaraaray yartan quruxda Illaahay ku maystay ee jidh iyo joogba dhamaystiran.

Falaadh caashaq ayaa dhanka bidix ka wareentay oo dareen galisay, salaan ka dib waa lays waraystay iyada oo geed dhabarkii ka soo jeedisay qoorteeda kana muuqdo dareen xishood farabadani.

Is waraysi ka dib in muddo ah ayaa hasaawe hufani dhexmaray, waxaanay aakhirkii kala qaateen tilmaan, iyadoo gashaantidaasi magaceeda ugu sheegtay in la yidhaahdo Isra, waxaanay kadib u sheegtay inay sii caraabayso, kadib waxay usha la daba gashay xaynteedii adhiga ahayd isna socodkiisii baadi-doonka ahaa ayuu sii watay.

Ibraahim isagoo socodkiisii ku sii jira ayuu naftiisa la sheekaystay waxaanu u sheegay in haatan ay gaadhay wakhtigii uu guursan lahaa maadaama uu haysto xoolo ku filan oo uu reer ku dhiqi karo.

Muddo yar kadib Ibraahim wuxuu soo helay Geelii oo uu xerada ku soo hubsaday, waxaanu habeenkaas uu geella soo xereeyayba u ciyaar-guday aroos ka dhacayay meel u dhow qormada ay degenaayeen reerka ay ka dhalatay inantii isra, isagoo markii uu goobtii loogu ciyaarayay arooska galayba isha ku dhuftay Isra oo meel ku beegan halka uu fadhiyo kuduuda oo soo eegaysa, goor uu kacayba wuu garan waayay oo uu la fadhiistay.

Habeenkii oo dhan ayay ciyaar-dhaqameedkii islaba-rogayeen, iyadoo markii ciyaartii lagu kala caraabayna ay Ibraahim iyo Isrina cagta isku soo dareen, waxaanay hadal isla tiigsadeen markii ay soo gaadheen duleedka guriga Isra reerkoodu degan yahay. Ibraahim lama gaban hadalkiisee wuxuu markiiba u bandhigay Isra inuu yahay guur-doon oo uu diyaar u yahay inuu guursado iyada lafteeda oo naftiisu ku qanacsday. Kadibna Isra oo afka shalmada saartay ayaa waxay u muujisay dareen raali inay ka tahay oo iyada lafteedaba caashaqu haleelay, sidaasayna isku maca-salaameeyeen.

Ibraahim markii uu soo hoyday habeenkaas hurdo muu ladin, oo waxaa dareenkiisa buuxiyay farxad caashaq, iyadoo dhanka kalena Isra lafteeduna aanay habeenkaas labada indhood isku qaban.

Barrigii hore inanka iyo inantu markay guur u kacaan dhankiisa ee ay is calmadaan intaanay hawsha guurka galin ayuu midba midka kale soo ogaan jiray qoyska iyo reerka uu ka soo jeedo, sidaas dareedna midba midkii kale ayuu soo ogaaday reerkoodii iyo qoyskoodii oo uu soo helay xog.

Mobile: 0634410163

La soco cadadka dambe Hadii Alle Idmo

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.