WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November, 16, 2015 (Saxafi) – Siyaasiyiinta la baxay isbahaysiga dimuqraadiga ah ee Kulmiye, ayaa magaalada Hargeysa ku yeeshay kulan albaabadu u xidhan yihiin.

Kulanka oo muddo saacado ah socday, islamarkaana aan saxaafadda loo ogolaan waxaa ka dhexmuuqday xubnihii hore ugu dhawaaqay inay yihiin musharaxiin, Maxamed Biixi Yoonis, Cabdicasiis Samaale, Xildhibaan Kijaandhe iyo Prof Faarax Cilmi Geedoole iyo sidoo kale guddoomiye xigeennada wakiillada iyo siyaasiyiintii dhawaan ka baxay xukumadda Siilaanyo.

IsbahaysiKulankan ayaa imanaya maalin uun ka dib markii Isbahaysigu soo saaray war qoraal ah oo ay ku sharaxayaan sooyaalkii khilaafka Kulmiye iyo qabsoomidii shirka loogu cumaamaday Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici, islamarkaana ay sheegeen in shirkaasi ahaa mid xaaraan ah, wixii ka soo baxayna ahaayeen xaaraan.

SomlegalAds

Is bahaysiga oo tan iyo markii khilaafka Kulmiye bilaamay yeelanayay kulammo u gaar ah oo qado ah, kuwaasi oo ay cududooda ku muujinayaan ayaa xogaha laga helay kulankan sheegayaan inay ka arrinsanayeen danahooda ku aadan mustaqbalkooda siyaasadeed. Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u og qorshahooda siyaasadeed, in kasta oo la saadaalinayo inay asxaabta mucaaradka ah si midaysan midkood ugu biiri doonaan, maadaama ay mucaaradad adag la galeen xisbigoodda Kulmiye.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.