WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 9, 2015 (Saxafi) – Is bahaysiga musharixiinta xisbiga Kulmiye ayaa shalay cadeeyey in shirka bisha November 10-keedda lagu qabanayo Hargeysa ee Golaha dhexe aanay ka qaybgali doonin oo ay u arkaan shir cadaalad darro ah o oaf duuban.

Musharaxiintan ayaa kala ah Maxamed Biixi Yoonis, Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Musharax xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandho, Faarax Cilmi Geedoolle iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Caallin. Waxaana ay shalay warbaahinta u soo gudbiyeen warmuritiyeed ay kaga hadleen qaadacaadooda shirka oo u dhignaa sidan: “Shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxay xubno hoggaanka ahi u beddeleen goob ay Ku ururiyaan dadweyne taageerayaal Laba Musharax oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Iyo madaxweyne Xigeenka aynay u ololaynayaan guddoomiye Xigeenka 1aad Iyo Xoghayaha xisbigu. Waxaanay madaxtooyadu ay labadaa xubnood ee iskood isu cumaamadday Gacan buuxda ku siisay in ay si sharci darro ah Ku afdoobaan Shirkii golaha dhexe, kaasoo u horseedaaya burburka Xisbiga kulmiye.

Isbahaysiga iyo hoggaanka KULMIYEBadiba golahii dhexe, aqlabiyaadda guddida fulinta, Hoggaankii Xisbiga iyo shirguddoonkii baarlamaanka ee Xisbiga kulmiye iyo inta badan musharixiintii Xisbiga kulmiye ee diyaarka u ahaa in ay tartan galaan waxaa u suuratagali wayday in aanu helno saaxad xalaal oo loo siman yahay oo Lagu baratami karo.

SomlegalAds

Musharixiintayadu waxaanu isku daynay in ay kooxda afduubtay Xisbiga Ku Soo celino xayndaabka wadatashiga si loo helo qaab xisbigu uga midoobo Saaxad laga Soo wadaqaybgalo oo Lagu tartamo, hase yeeshee waxay ka suuragal geliweyday madaxtooyada.

Waxaa ay madaxtooyadu abuurtay guddi ka tirasan xukuumadda, kuna jirin haykalka Xisbiga oo aan awood sharci u lahayn in ay arrimaha Xisbiga ay dhexgalaan oo markiiba aan caddaynay in ay maroorsanayaan awooddii guddida fulinta ee ahayd 44ka xubnood oo leh Awooda hawlmaalmeedka Xisbiga, isla markaana goaan ka gaadha Hawlaha Xisbiga kalfadhiyada golaha dhexe dhexdiisa, sida uu qeexaayo qodobka 33aad xarafkiisa kh.

Sidaa darted, Waxaan go’aansannay in aanaan ka qaybgelin Kulankaa sharci darrada ah ee Lagu afduubay, Laguna burburinaayo Xisbiga Kulmiye. Kulankaas oo la sheegay in uu dhacaayo 10 November ee Lagu ururiyay dadweyne labada Musharax casuumeen, ay madaxtooyaduna hormuud ka tahay si damacooda siyaasadeed si sharciga Xisbiga iyo ka golaha dhexe ka baxsan, ay isugu cumaamadaan, Laguna tagrifalo awoodihii golaha dhexe, guddida fulinta, iyo hogaankii Xisbiga. ”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi Iyo Gudoomiye ku xigeenka 1aad xisbiga Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in shirkoodu wakhtigii loogu tallogalay dhacayo, isla markaana iska fogeeyey eeddo ay usoo jeediyeen garabka isbahaysiga musharaxiintu.

Gudomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay ayaa sheegay in garabkan isbahaysigu hore u sheegeen inay caqlabiyadda haystaan, sidaa darteed ay muhiim tahay inay shirka ka soo qaybgalan maadaama oo caqlabiyada xubnaha golaha dhexe haystaan.

Guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin oo eedaha loo soo jeediyey iska difaacaya waxa uu yidhi “Waxa ay yidhaahdeen madaxweynaha kuma kalsoonin, waxa kale oo ay yidhaahdeen gudiga kuma kalsoonin, waxa ay yidhaahdeen xisbigi kuma kalsoonin, waxa kale oo ay yidhaahdeen aqlabiyaddii golaha dhexe ayaanu haysanaa. Dee Faarax Saban waxa uu yidhi gari allah ayay taqaana intaasi isma qabato, anaa aqlabiyadii haysta hadana anaa shirkii diidan anaana shirkii aanan imanayn ninka aqlabiyada haysta kalsooni buu leeyahay. marka anagu shir beeleed ma qabanayno oo ma hayno, shir dadweyne ma hayno, tiro ku dhow afar boqol oo xubnood oo golaha dhexe ah oo ay isdiiwaan geliyeen tira guud waxa ay noqoneysaa sadex boqol iyo lixdameeyo ayaa shirkan golaha dhexe loo qabanayaa, waxa kale oo jira saaxibaday waxa ay yidhaahdeen gudoomiyihii xisbigu waa murashax xisbigina isagaa maamulaya, qodobada aan idin sheegayana isagu keliya ah ayuu xaq siinayaa. Xeerkayaga iyo dastuurkayaga ba marka aad ku noqotaan waxaad arkaysaa halkan gudiga fulintu, halkan hogaanka xisbigu kuma jirto, halkan waxa ku jira gudoomiyaha xisbiga oo keliya. Anagu marka aanu aragnay cabashada aragnay si ay cabashadaasi meesha uga baxdo ayaa aniga iyo xoghayaha guud ee xisbiga ka wada tashanay arrinta, gudomiyaha xisbiga waanu ula tagnay waxaanu ku nidhi gudoomiye mar hadaad murashax tahay, ragna aad tartamaysaan dareen iyo tuhun meesha uu jiro. Inaad adigu xisbigi maamulayso, xisbiguna lagula tartamayo waxaanu soo saarnay oo aad adiguna naga aqbasho, xisbiga inaanad waxbana ka maamulin ilaa iyo inta uu shirka golaha dhexe uu qabsoomayo oo aad banaanka uga baxdo, xafiiska imika guddoomiye Muuse ma maamulo waraaqna kama saxeexo awoodiisana anaga ka qaadnay, xeer aanu kaga qaadno ma jirto. Ana imika maamula xoghayaha guudna wuu ila maamuula. Labaddii xubnood ee halkan isugu nimid waanu wada shaqeynay oo meel fiican bay inoo maraysay, saxafadana waxa aan ka codsanayaa inaad dib u sii daysaan codkii halkan ay ka sii daayeen ay murashaxiinta qaarkood oo ay yidhaahdeen nidaamka halkan ka socda ee lagu qaadayo diiwaangelinta kaadhadhadka xubnaha golaha dhexe si fiican buu u socda. Oo waa cadaali raga samayeena waxa ay u baahan yihiin abaal marin in la siiyo, goorta ay dambilayaal ay noqdeen anagu garan mayno”.

Waxaanu intaas ku daray “Madaxweyne Axmed Silaanyo eedayntiisa iyaga shalay wasiiro uu ahaa goorma ayuu Axmed Silaanyo noqday nin iyagana diidaan Muuse Bixina doonaya, Axmed Silaanyo anigana wasiir igama dhigin iyaga ayuu wasiir ka dhigay iyagaana shaqadi ka tagay. Xisbigana igaga may shaqo badnayn halgankiina igagamay shaqo badnayn, raalina waxa aan ku ahay in ay iyagu wasiiro ahaayeen aniguna bagaabundo aan suqayga iska joogay. Arrintu iyo siyaasadana iyo cunfiga siyaasada ilama aha maalinba inta adiga ku adeegsanayso iyo inta aad adigu awrkaaga ku kacsanayso inaad ku samaysana maaha, Axmed Silaanyo shalay ba lala tartamay nin ismay lahayn Axmed Silaanyo Daahir Riyaale kaahin ba ka helaya ee doorashaada. ”

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.