WorldRemitAds

Hargeysa, Somaliland, November 12, 2015 (Saxafi) – Isbahaysiga musharaxiinta xisbiga KULMIYE ayaa shirweynihii golaha dhexe ee xisbigooda ku dhaliilay qaabkii loo qabtay, isla markaana sheegay in aanu shir dhicin balse xoog iyo cudud ciidan lagu qabtay shirkaasi.

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Sammaale, ayaa sheegay in aanu madaxweynuhu teeramkii labaad ka tanaasulin ee labadda sanadood ee loo kordhiyey ku jirto teeramkiisa, isla markaana waxa uu dhaliilay in sidda uu madaxweynuhu ugu kala eexday musharaxiintiisa.

Musharax Cabdicasiis Maxamed Samaale oo la yaaban ciidankii habeenidii u dambeeyey la tubay wadooyinka ayaa yidhi“Anigaa ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga KULMIYE, kana mid ahaa dadkay aad iskugu dhawaayeen madaxweyne Siilaanyo, waxaan is waydiiyay tolow Axmed miyaanu ahayn kii intuu geed walba tago dadka dhexdiisa lahaa walaalayaal cod I siiya? Wuu yahaye maxaa isbedelay? Ee maanta keenay tii oo uu dalka madaxweyne ka yahay oo xisbiga KULMIYE taladii hayo oo waxa dhacayaaba shir xisbigu leeyahay yahay tolow waxa soo kordhay ee waxaas oo dabaabad ah, waxaas oo hub ah iyo waxaas oo ciidan ah loo galinayaa waa maxay ayaan is waydiiyay. Anigu jawaabteeda bixin maayo ee dadkii Hargeysa joogay, wariyeyaasha iyo dadkii warbaahinta ka arkay ayaa jawaabteeda bixin,”

SomlegalAds

Waxa uu sidoo kale ka hadlay go’aankii lagu doortay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici “Go’aankii shalay ka soo baxay Maansoor, waxaanu sii arkaynay oo aanu horey u sii sheegnay ayuu ahaa . wax inuu sidaas u dhacayo aanu arkaynay ayuu ahaa. Musharaxiintayadani waanu qaadacnay, xattaa haddaanu tagi wayno inaan la joojinayna waanu sii sheegnay, cidii in loogu dhawaaqi doono aanu sheegnayna waa loogu dhawaaqay.”

Cabdicasiis Samaale ayaa ayaandaro ku tilmaamay in madaxweynuhu u kala eexdo laba musharax oo u tartamayey madaxweyne ku xigeenimadda, waxaanu yidhi “ Waxaa xusid mudan fadeexaddihii goobta shirka ka dhacayay ee warbaahintuba joogtay ee ay ka hadleen ama laga hadli doono. Anagu go’aanka halkaas ka soo baxay mid sharci darro ah ayaanu u aragnaa. Waxaanu u aragnaa in waxa halkaas ka soo baxay xaaraan yahay. Waxaanu u aragnaa musharax madaxweyne iyo madaxweyne xigeen oo KULMIYE ah oo la doortay inaanay jirin ee ay tahay waddo sharci darro ah oo la jeexay oo aanu ka sii dignay oo aanu sii sheegnay oo sidii aanu u sheegnay u dhacday ayuun baanu u aragnaa. Waxaa shalay dhacay wax allaale wuxuu mawqifkayagii ka bedelayaa ma jiro. Sidii baanu KULMIYE u nahay, sidii baanu musharaxiin u nahay, sidii baanu ugu taaganahay caddaaladda dalkan iyo dadkani inay sugmaan. Waxa goobta ka dhacayay, waxyaabo aad iyo aad la yaab u leh ayay ahaayeen runtii. Dhammaan wariyeyaashiinan, umadda Somaliland iyo dadka dibadda ka daawaday bal waxaad eegtaan tirooyinka la sheegayay inay goobta joogeen. Waxaad ogtihiin garabkayaga dad ka mid ah oo aad iyo aad u badani inaanay tagin oo aanu qaadacnay, haddana waxaa la sheegay dadka goobta joogay inay ahaayeen 365 qof. Waxay taasi caddaynaysaa, 365 joogay inaanay golihii dhexe wada ahayne dadka maqan dad lagu bedelay ay joogeen. Anaga inbadan oo naga mid ahi waanu isa sawirnay laakiin, kaadhadh maanan qaadan. Kaadhadhka aanan qaadan, waxaa la caddeeyay in dad badan oo maqan kaadhadhkoodii galeen sanduuqyadii lagu codaynayay, hadda manaanan joogin. Talabaad waxa nasiib daro ah in madaxweynihiii lahaa dhex baan ahay uu u codeeyey Muuse Biixi iyo Saylici oo uu ahaa labadii nin ee uu watay, madaxweynuhu mar wuxu leeyahay dhex baan ahay marna cod buu qof siinaya iyamu saxsan yahay, waxa ka sii daran madaxeynaha u kala eexday labdda musharax ee Xaglo toosiye iyo Saylici ee codka siiyey Saylici, taasi ceeb weyn bay ku noqotay iyo fadeexad, wasiir Xaglo toosiyey wuu xishooday waxaanu diiday inuu meesha ka cadeeyo wixii jiray laakiin si dad badan buu uga hadlay”.

Sidoo kale, Musharax xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandho ayaa isna shirka xisbigga ee golaha dhexe ku eedeeyey mid musuqmaasuq hadheeye, isal markaana musharax Xaglo Toosiye lagu dhacay goobta, waxaanu yidhi “Raadkii ay Somaliland ka timid sideetankii ee ay ka dagaalantay ee kalitalinimadda ahaa ayey maanta dib ugu noqotay ee ha loo duceeyo, waxa ku dhaliilaynaa maalintii shirku ka socday qori caaraddii iyo bando ayey ahayd, waxaanaa leeyahay dadkii meesha fadhiyey marka saddex qaybood loo qaybiyo meel dhan ayaa shaqaale dawladeed ahaa, wax sharciyadda oo xalaalaynayaa oo halkaasi ka dhacay ma jirto, intii mudadda ahayd ee aanu hadlaynay wuxu ahaa inuu shirku ku socdo dariiq khaldan, dad dhex dhexaad ah oo ilaalinayey may joogin, raggii markii horaba loo cumaaday uun baa joogay, wixii ay soo wadeena shalay uun bay cadaatay, xeer hoosaadka KULMIYE wuxuu dhigayey in doorashaddu noqoto fartaag, haseyeeshee markii ay arkeen in laga badinayo Saylici ayey ka dhigeen in kartoon lagu rido taas oo ay ka dhacday boob, iyadoo boqol kaadh lagu sii riday, dadkii aan iman qaarkood ayaa kaadhadhkoodii ayaa la isticmaalayey, waxa la ii sheegay in kartoomadu aanay Isleekeen oo kaadhadh dheerad ah lagu sii riday ka dib markii ay arkeen in Saylici laga badinayo, waxa jirta in dad u codeeyey Xaglo toosiye laga waayey kartoonkiisii, inankaasi Saleebaan xaglo toosiye waa la boobay”ayuu yidhi XIlhdibaan Kijaandho.

Dhinaca kale, Musharax Maxamed Biixi Yoonis wasiirkii arrimaha dibadda Somaliland, ahaana musharax u ordayay jagada madaxtinimada KULMIYE ayaa boob cad ku tilmaamay shirkii golaha dhexe ee KULMIYE u qabsoomay. Waxa uu sheegay in khaladaad badan la galiyay codayntii Xaglotoosiye oo u ordayay jagada madaxweyne xigeenka KULMIYE, sidoo kalena wuxuu raali galiyay Xildhibaan Kijaandhe iyo Beeshiisa.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hanaankii musharax Xaglotoosiye loola dhaqmay ahayd mid aan caddaalad ahayn. Wuxuu sidoo kale nasiib darro ku tilmaamay in madaxweynaha oo madasha ka yidhi musharaxiinta ayaan dhex u ahay haddana u codeeyay Cabdiraxmaan Saylici.

Maxamed Biixi Yoonis waxa uu yidhi “Waxaan doonayaa in aan maanta ka hadlo wixii shirka lagu tilmaamayey ee ka dhacay Maansoor, waxaanu doonaynaa in aanu marka hore idin sheego shirkaasi wuxuu ahaa mid xaaraan ah oo boob ah oo sharciyadda iyo dimuqraadiyada ku jirin, sharciyadii lagu burburiyey umaddii Somaliland ee dimuqraadiyadii higsanaysay waxyeeladda loo geystay, waxaad arkayseen shalay musharaxii labaad ee u tartamayey jagadda madaxweyne ku xigeenka sida loo boobay, waxad arkayseen in markii la tiriyey la arkay in uu Xaglo toosiye ka badiyey Saylici la joojiyey ee qarsoodi laga dhigay ee kartoon lagu gurey ooo kaadhadh dheeraad ah lagu shubtay, waan ka raalinayaaa Xaglo Toosiye sida loo boobay iyo madaxweynihi lahaa dhex dhexaad sida uu ugu codeeyey Saylici waa nasiib daro, rag badan oo hoolka fadhiyey oo Xaglo toosiye la socday ay ka dareereen markii ay arkeen sida loo boobay. Haddii aanu nahay isbahaysiga dimuqraadiga xisbiga KULMIYE ee garabkiisa balaadhan ee aan meesha tagin umadii oo dhan way nagu taageereen way nagu hambalyeeyeen in aanan meesha tagin waxay arkayeen siday wax u dhaceen iyo sida dadka loo boobayey”.

Mar uu ka hadlayey fariin uu Guddoomiye Muuse Biixi hawadda u mariyey mushariinta aan shirka ka qaybgalin waxa uu yidhi “horta waxaad ogtihiin in wadanku qabyaaladii ka baxay oo la qaatay nidaamka dimuqraadiyadda, anaguna ma aaminsanin qabyaaladda, musharax Muuse Biixi wuxuu yidhi labadda nin ee aanu ilmaadeerka nahay waan u tagayaa, saaxiibkay Kijaandhana waan ka raaligalinayaa kalmadaasi ka soo yeedhay,dalkuna maanta wuu ka gudbay qabyaaladda, in labadayada carabka ku dhufto oo uu yidhaa isku reer baanu nahay meesha kuma jirin”

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi kahadlay Faarax Geedoole oo sheegay in shirkaasi ahaa mid afduub ah oo cid gaar ah loogu cumaadayey.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.