WorldRemitAds
Waddamada Ruushka Iyo Maraykanku, sida dunidu isla qirsan tahay, waa labada dal ee casrigan ugu quwada wayn dunida, kuwaas oo awoodooda milatari gaadhsiisan tahay mid daqiiqado gudahood dunida ku burburin karta.

Tan iyo wixii ka danbeeyay dagaalkii labaad ee dunida, waxa labadan waddan ka dhexeeyay, loolan balaadhan oo ay ugu jireen hogaaminta dunida, waxaanu mid walba naf iyo maalba u huray siduu mabaadii’disa ugu fidin lahaa kawnka oo dhan.
Isbarbar dhig lagu sameeyay Putin iyo ObamaIn kasta oo isbahaysigii Maraykanku hogaaminayay ee waddamada reer galbeedku ku guulaysteen, meel marinta rayigooda, Midowgii Soofiyeetina ay burburiyeen, dumuqraadiyadoodi ay wadeena ay si buuxda ugu hirgashay oo ilaa Moscow ay gaadhsiyeen, haddana muran kama taagna in Ruushku dib isu dhisay oo uu mar kale isa soo hortaagay, dibna loolankoodi u soo cusboonaaday.
Madaxweynayaasha Labadaa waddan kala hogaamiya ee Barack Obama iyo Vladimir Putin ayaa saxaafada dunidu ku samaysay isbarbar dhig shakhsiyadooda ku saabsan, laguna eegayo hab dhaqankooda gaarka ah iyo mid walba ciyaaraha uu sida gaarka ah u xiiseeyo.
Siyaasiyiinta dunida ayaa ciyaaraha iyo jimicsiyada ay sameeyaan, intooda badan ahaayeen kuwo dhaqan ahaan ay iska dhaxleen madaxdii uga horaysay xilka, laakiin waxa ay inta badan ku saleeyaan, dhaqanka dalkooda iyo noocyada ciyaareed ee laga xiiseeyo si aanay rayul caamka dadkooda isku khilaafin.
Waxa jira sababo caafimaad oo dhakhaatiirtu kula taliyaan, sababtoo ah? Qof kasta oo madaxweyne noqdaa, waxa uu si deg deg ah ugu wareegaa nolol cusub oo ka go’doomisa bulshadii ay xidhiidhka lahaan jireen intooda badan, waxaana dhacda in xanuuno nafsaani ahi haleelaan ama culays maskaxeed ay dareemaan hawlaha badan ee ay qabanayaan awgeed.
Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama
Barack Hussein Obama waxa uu ciyaaraa, tiraba dhawr nooc oo ka mid ah ciyaaraha kala duwan, kuwaas oo siyaabo ay ku kalifeen ciyaaristooda, waxaanay isugu jiraan, kuwo uu xariif ku yahay iyo kuwo uu khasbo oo dhibaato ka soo gaadho mararka qaarkood naftiisa.
Ciyaaraha Obama daneeyo waxa ka mid ah, kubada Kolayga, laakiin kuma aha xariif oo wuu khasbaa, waxaana mar kasta oo uu ciyaaro ka soo gaadha dhaawacyo, tusaale ahaan sanadkii 2011 kii, waxa uu kaga dhaawacmay, dhudhun ama suxul iyo waliba jilib, ka dib markii ay isku dhaceen mid ka mid ah ciyaar yahanadii la ciyaarayay.
Laakiin waxa uu aad ugu fiican yahay Bilyardiga ama kubada usha ee miishka lagu dul ciyaaro, taas oo uu ilaa yaraantiisi jeclaa aadna u jecel yahay ciyaarteeda, waxa kale oo uu ciyaara kubada Tenista taas oo xaaskiisu ku kaliftay, sida uu marar kala duwan sheegayna ay ku khasabtay, “Michelle waxay igu khasabtay inaan sigaarka joojiyo, badalkeedina aan kubada tenista ciyaaro, laakiin way igu adag tahay, haddana, xaaskaygu waa tababare aan ku khasbanahay inaan u hogaansamo.”
Waxa kale oo uu Obama ciyaaraa, golafta, laakiin taas ciyaarteedu waa mid qaab is tusnimo oo kale ah, madaxweynayaashu u sameeyaan, looma eego inuu xariif ku yahay iyo in kale, marka la isku soo wada duubana, ciyaarta kaliya ee caafimaadkiisa u fiicani waa Kubada Kolayga ee uu badawga ka yahay, waxaanu badalkeeda sameeyaa inuu ordo ama baaskiil kaxeeyo.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin, ayaa isaga hiwaayadiisu tahay ciyaaraha kala duwan, lamana soo koobi karo inta ciyaarood ee uu xariifka ku yahay, waxaase ugu muhiimsan, Fardo Fuulka, Legdinta, ciyaarta barafka lagu dul ordo ee Hockey da loo yaqaano, dhoogta iyo tartamo kala duwana wuu ka qayb qaataa.
Putin ayaa sababaha u sahlay ciyaaraha kala duwan inuu xariifka ku noqdo, ay ugu wacan tahay, askarinimadii uu muddada dheer ahaa iyo had iyo jeer tababarada ardayda iskuulada ee dalka Ruushka la siiyo.
Putin warbaahinta reer galbeedku waxa ay ku dacaayadaysaa inuu jecel yahay ciyaaraha xoog xooga ah ama qofka uga baahan inuu tababar adag galo, taas oo sabab ay u tahay isla waynida Ruushka iyo in uu yahay nin jecel inuu muujiyo awood badnaan.

SomlegalAds

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.