WorldRemitAds

Xidhiidhka Ethiopia Iyo Somaliland – Somaliland iyo Ethiopia waxay ahaayeen ama yihiin laba dad iyo laba dawladood oo iskaga dhaw dalalka kale ee geeska Afrika. Waxa ay wadaagaan xuduud aad u dheer iyo ganacsiyo fac weyn, waxayna leeyihiin xidhiidh dhinaca isirka ah oo khuseeya qawmiyadaha ku abtirsada Somaliland oo qayb ka ah shucuubta dalkaasi gaar ahaan ismaamulka Soomaalida Ethiopia.

Tan iyo markii Somaliland dawladnimdeeda kala soo noqotay Soomaaliya xidhiidhka ay la leedahay marnaba isma beddelin, isbeddelada iyo ammaan darada ka taagan dalkii la odhan jiray Soomaaliyana wax saamayn ah kuma yeelan. Dawlad kasta oo Ethiopia ka dhalatay waxay Somaliland ula macaamilaysay sidii dal madax bannaan, wax shuruud ahna kuma xidhaynin taageeradeeda dhinaca amniga, tababarada ciidamada, iyo waxbarashada jaamacadaha ee ay ugu yabooohdo Somaliland iyadoo bishii aan soo dhaafnay oo keli ah dalka Ethiopia ay waxbarasho jaamacadeed siiyeen arday ka baxday dugsiyada sare ee Somaliland oo tiradoodu gaadhaysay ilaa 400 oo arday. Waxana taa dheeraa tababarada ay hore u siisay saraakiil sare oo maanta ka mid ah taliyayaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada Somaliland.

SomlegalAds

Dhinaca kale, marka la eego xidhiidhkaasi wax wada qabsiga ee ka dhexeeyey Somaliland iyo Ethiopia waxa u yeeshay cadow badan oo doonaya inay labadaa dal mar uun kala guuraan dabkana aanay kala qaadan.  Cadowga ugu weyn ee shidaya dabkaasi waxa ugu horrreeya ama ugu weyn Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Tan iyo intii xukunka dalka Ethiopia uu la wareegay Abiy Ahmed,  isla markaana meesha laga saaray madaxweynihii ismaamulka Soomaalida Ethiopia  Cabdi Iley, xilkii Gobolka Soomaalida Ethiopiana loo dhiibay Mustafe Cagjar, waxa Madaxweyne Farmaajo u bilaabatay fursado uu ku doonayo in Somaliland iyo Jabuuti kaga go’doomiyo Ethiopia,  Ertitrea iyo Soomaaliyana laga mideeyo dhinacyo badan. Waxa uu markiiba Farmaajo nin wanaagsan iskaga dhigay Eritrea isagoo yidhi cunaqabataynta hubka waa in laga qaadaa isagoo marka hore looga fadhiyey inuu cadaawadda labadaa dal ka dhaxaysa meesha ka saaro.

Haddaba marka la eego tallaabooyinka Farmaajo ku doonayo inuu heshiisiiyo dalalka Geeska Afrika maaha jacayl uu u qabo midnimadooda ee waa mid ujeedadiisa ugu weyni tahay inuu isku diro dalalka deriska ah, gaar ahaan xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland, iyadoo ay haatan muuqato sansaantii uu Somaliland midnimadeeda ku wiiqi lahaa isagoo la hoos geleya maamulka kilika shanaad. wax haatan odayaashii reer Somaliland ee Gobolka Sool looga yeedhay Jigjiga si loo nabadeeyo, Waxana Hargeysa ka maqan wakiilkii Ethiopia u fadhiyi jiray Hargeysa,  diyaaraddii ETHIOPIA Airlines oo Muqdisho Xarun looga furay si looga leexiyo ama loo yareeyo imaatinkeeda Somaliland,  baasabaoorkii Ethiopia ee Jigijiga laga bixinayey oo la yidhi nin isir ahaan kasoo jeeda Somaliland lama siin karro. Waxaas oo dhammina waxay muujinayaan dabka Farmaajo kula dhex wareegeyo xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia,  hadii uu inta uu imika taaganyahay kasii xumaadana waxa masuuliyaddeeda dusha u ridanaya Farmaajo iyo qolooyinka haatan uu kala tashanayo dibindaayeynta Somaliland.

Faallo – Maxamed Cumar Sheekh

Saxafi Media Network 

Boorama, Somaliland 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.