WorldRemitAds

Joys Terrant oo sida la sheegay ah Islaan ayeeyo u ah dhagar qabihii Muslimiinta ku xasuuqay labada masaajid ee dalka New Zealand ayaa laga waraystay, hab dhaqankii ay Inankeeda ku taqaanay iyo dabeecadiisi gaarka ahayd ee ilaa markii uu ka barbaaray.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Facebook-ga

SomlegalAds

Ayeeyadan oo 94-jir da’deeda lagu sheegay ayaa u warantay wargeyska Daily Mail lagu magacaabo ee dalka Ingiriiska ka soo baxa, taas oo sida ay waraysigeedan ku sheegtay aad ula yaabtay markii ay ogaatay in qofka Muslimiinta laayay ee dadka intaa tiraddoodu tahay dilay uu ilmihii ay jeclayd ee aadka u wanaagsanaa yahay.

Joys Tarrant oo ka hadlaysa wakhtigii isugu aragti danbaysay ayaa tidhi, “Waxa isugu kaaya danbaysay xuskii dhalashada Ciise (NKHA) ee sanadkii la soo dhaafay, wakhtigaas oo aanu labadayada oo qudhi wada xusnay una wada dabaal degnay xuskaa diiniga ah ee dadka Kiristaanka ku wayn, wuxuu igu sagootiyay, wanaag iyo qalbi furan oo aan aad ugu duceeyay, markaa aad bay igu adag tahay inaan rumaysto waxa dhacay iyo in qofka sameeyay ilmahaygi yahay.” Ayay tidhi Ayeeyadani.

Islaantan ayaa ku cel celisay layaabka iyo u qaadan waaga ay ku noqotay markii loo sheegay in wiilkii ay ayeeyada u ahayd, uu boqol qof oo muslimiin rayid ah oo cibaadaysanaya laayay, waxaanay sheegtay in aanay marnaba maskaxdeeda ku soo dhicin, in inanka ay ayeeyada u tahay waxaas oo kale ku kici doono noloshiisa.

Ayeeyadan ayaa intii la waraysanayay dhawr jeer ilmaysay, mar kastana ku cel celinaysay inay ilaa wali rumaysan kari laadahay, in wiilkii ay Ayeeyada u ahayd dad aan waxba galabsan xasuuqay, waxay sheegtay inuu qof wanaagsan ahaa, oo uu ehelkiisa had iyo jeer booqan jiray, dadkii ay jaarka ahaayeen uu soo bariidin jiray, wax kasta oo wanaag ah oo qof sameeyana uu ku dedaali jiray, marka ay aragtana ay is odhan jirtay ilme noocan oo kale ahi dunida ma jiro, ama qof ka wanaagsan lama abuurin, laakiin ay argagax iyo filan waa ku noqotay waxa uu sameeyay.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

Haweenaydan da’da ah oo tan iyo intii dhagar qabaha ay Eyeeyada u tahay muslimiinta ku xasuuqay dalka New Zealand dhawr jeer guriga la kexeeyay oo meelo qarsoodi ah la geeyay, waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday, haddii qalbigiisa xumaan iyo nacayb intaa gaadhsiisani ku jiro, sidii u qariyay, wali ma rumaysanayo waanan yaabanahay oo way iga degi laadahay sida wax u dhaceen.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.