WorldRemitAds

Warbaahinta dalka Israel ayaa maalmihii ugu danbeeyay baahinaysay faalooyin iyo warbixino ka dhan ah, buug uu qoray arday dugsiga sare ku jira oo u dhashay dalka Belgium, kaasoo ardayga reer Belgium uu kaga waramay dhibaatada shacabka reer Falastiin ay ku hayaan Yuhuuda iyo maamulka dalka Israel.

Warbaahinta Israel ayaa si wayn u canbaaraysay buugan uu qoray ardayga reer Belgium oo ay ku tilmaameen mid lidi ku ah Yuhuuda, oo ka soo hor jeeda xidhiidhka wanaagsan ee Israel iyo dalka Belgium u dhexeeya iyo hab dhaqanka dadka reer Yurub.

SomlegalAds

Ka sakow warbaahinta Israel waxa iyaguna buugan ka hadlay siyaasiyiin iyo masuuliyiin sar sare oo ka trisan xukuumada Israel, kuwaas oo ka wada sinaa canbaaraynta buugan ardayga reer Belgium qoray oo ay ku tilmaameen mid xiganaya xogo iyo warbixino aan run ahayn oo dhinac ka raran.

Haddaba muxuu yahay buugan uu qoray ardayga reer Belgium ee dugsiga sare kaga jira dalkiisa, kaas oo aan magaciisa la sheegin? Sida ku cad buugani waxa uu ka waramaya cilmiga aqoonta degaanka ee Juqraafiga loogu yeedho uu ardaygaasi aad u xiiseeyo kagana waramayo dadyowga ku dhibaataysan dhulkooda hooyo.

Kaas oo uu Falastiiniyiinta ku soo qaatay, kagana waramay boobka iyo dhaca ay Yuhuuda iyo xukuumadooda Israel ku hayaan, waxaanu inta badan xiganayaa warbixino ay ururada xuquuqda aadamiga u ololeeya ee aduunku ka soo saareen, gaar ahaan warbixintii ugu danbaysay ee “Amnesty International”, kaga hadlaysay dhibaatada haysata shacabka reer Falastiin.

Ardaygan reer Belgium ayaa jaldiga sare ee buugiisan u doortay sawir kartoon ka hadlaya Yuhuudi ku dabaalanaya saxanka xamaamka ee lagu maydho oo biyo ka buuxsaday, oo dushana qasabadi kaga socoto, halka dhinaca kale ee ceelka biyahan uu ku dur duurtay ninka reer Israel ay biyo la’aan ugu dul dhimanayso haweenay da’ ah oo reer Falastiin ah, taas oo weel yar oo ay sidatay oo ay hoos dhigatay qasabada ceelka wax biyo ahi ugu dhici waayeen.

Sawir kartoonkan oo ah ka sida wayn ay uga cadhoodeen Yuhuuda iyo maamulka dalka Israel ayaa ah, mid dadka sawirada Kartoonka sameeya ee dunidu uu kaga faaloonayay dhibaatada dadka reer Falastiin ku haysatay dhulkoodi iyo sida khayraadkoodi dabiiciga ahaa looga dhacay.

Warbaahinta Israel iyo masuuliyiinta sar sare ee dalkaa ayaa dawlada Belgium ka codsaday inay joojiso daabacaada iyo faafinta buugan, oo ay sheegeen inuu si wayn u wiiqi doono xidhiidhka labada waddan u dhexeeya, hasa yeeshee dawlada dalka Belgium ayaan ka hadal oo aan wax jawaab ah ka bixin.

Sida sharciga federaalka ah ee dalka Belgium uu dhigayo awood uma laha dawlada dalkaasi inay joojiso buug uu qoray arday dhigta dugsiga sare, sababtoo ah? Waxay taasi ka soo horjeeda sharciga dhiiri gelinta fikirka iyo aqoonta ee dalkaas oo aan ogolayn in la faro geliyo aragtida da’ yarta iyo ardaydu ku cabirayaan fikradahooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.