WorldRemitAds

Jacaylka hablaha carabta ayaa si wayn u dhex qaaday xidigaha iyo aktarada waaweyn ee Maraykanka, oo muddooyinkii u danbeeyay caashaqa haweenka carabta iyo guurkoodu sheekooyinka ugu waaweyn ee lagu haasaawo ka noqday.

Inta badan xidigaha caanka ah ee Hollywood laguma aqoon la xidiidka carabta iyo hawaysiga hablaha bariga dhexe ka soo jeeda, waxaana sida muuqata ugu horaysay oo u balaaleeyay, aktarka George Clooney oo dhawr sano ka hor guursaday, Garyaqaanada caan ah oo u dhalatay dalka Lubnaan, hasa yeeshee dhalashada Ingiriiska haysata.

SomlegalAds

Muddo ka dib waxa soo baxay wararka xidigo kale oo caan ka ah Hollywood oo dhinaca bariga dhexe loo hayo, jacaylna hablo carbeed u qaaday, tusaale ahaan aktarka Tom Cruise oo la sheegay inuu la il daran yahay, jacaylka uu gabadh carbeed u qabo, waxaanay warbaahinta Maraykanku ku tilmaantay mid qaaday jidkii saaxiibkii George Clooney oo isaga laftiisu dhawr sano ka hor caashaqay, garyaqaanada reer Lubnaan ee Amal Alamudin oo imika xaaskiisa ah.

Sida warbaahintu sheegtay, xidiga Tom Cruise ayaa jeclaaday, aktarad reer Algeria ah oo lagu magacaabo, Safiya Boutella, taas oo degan dalka Faransiiska, haysatana dhalashada Faransiiska, taas oo sida la sheegay uu jacaylkeedu saaqay.

Gabadhan reer Aljeeriya ee uu jeclaaday Xidiga Reer Hollywood ee Tom Cruise ayaa sida la sheegay ku abtirsata fanka, waxaana dhalay ninkii muusigiisa loogu jeclaa dalka Aljeeriya Safi Boutella, waxaanay ka mid tahay dadka loogu aqoonta badan yahay dalkeeda iyo badi waddamada carabta.

Jacaylka Tom Cruise iyo Safiya Boutella ayaa dhex maray labadan aktar, markii ay dhawaan wada matalayeen filim ka faaloonaya noolayaashii nasleyda ahaa ee dunida ka dabar go’ay, kaas oo lagu wado in sanadka soo socda lagu soo bandhigo dalka Maraykanka iyo dunida meelo ka mid ah.

Sida wargeys ka faalooda arrimaha xidigaha oo afka Isbaanishka ku soo baxaa ku waramay, Tom Cruise ayaa mar uu ka hadlayay, xidigta filimkiisa cusub la matalaysa, sheegay inay tahay, qof caqli badan, kalgacal sareeya lagu dheehay, akhlaaq iyo quruxna u dhalatay, taas oo uu filayo inay noqoto ooridiisa mustaqbalka ee kama danbaysta uu nolosha la qaybsan doono.

Tom Cruise ayaa si deg deg ah u beeniyay, warka wargeyska Ghosted Journal, waxaanu sheegay in sirta uurkiisa ku jirta ay doonayaan inay la soo baxaan oo ay dadka u tabiyaan, isna aanu ka aqbalayn, waxa kale oo iyaduna ka hadashay Safiya Boutella oo sheegtay in kaliya jilis iyo wada matalista filimka uu xidhiidhkoodu ku kooban yahay, wax kale oo ay ogtahayna aanu jirin, waxa kale oo ay sheegtay in haddii jacayl dhex maro ay yihiin labo qof oo isu qalma.

Laakiin warbaahinta dalka Maraykanka ayaa ku waramaysa inuu jiro xidhiidhkaa jacayl ee u dhexeeya labadan aktar ee Maraykanka iyo carabta kala ah, kaas oo sida wararku sheegayaan bilaabmay labo sanadood ka hor, meel aad u wanaagsan oo guur ku dhowna maraya, diidmada labada xidigna waxa ay ku tilmaameen mid la mid ah tii George Clooney iyo Amal ee dhawr sanadood ka hor ay ku beenin jireen xidhiidhkooda.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.