WorldRemitAds

Sida aynu dhamaanteen ka wada dheregsanahay jacaylku waa wax aadamigu ka wada siman yahay, oo umad kasta oo dunida ku nooli, leedahay sheekooyin iyo dad ay aaminsan yihiin, inay jacayl awgii noloshooda u waayeen, waxaana shakhsiyaadka jacaylku haleelay loo sharfaa, sida geesiyaasha oo kale, taas oo cadaynaysa ilaa heerka qadarinta loo hayaa gaadhsiisan tahay.

Haddaba marka qofka jacaylku haleelo, waxa ku dhaca is badal nololeed oo dhinacyo kala duwan ka saameeya noloshiisa, oogadiisana qof walba ka akhrisan karo, sida dadka uu asiibay aaminsan yihiin.

Iyadoo laga duulayo xaaladaha baaxaa dega ah ee qofka jacaylku hayaa galo, ayaa dadka had iyo jeer u kuur galaa, ka diyaariyeen, waxyaabo uu karaahiyaysto qofka xaaladaa ku jiraa, kuwaas oo ilaa shan arrimood ay ku soo ururiyeen.

SomlegalAds

Marka qofka uu caashaqu haleelo, waxa uu neceb yahay, talooyinka qaarkood iyo in qofka naftiisu jamato, wax dhaliil ah looga sheego, xitaa haddii ay run tahay, ma qaadan karo, waxaanu qof kasta oo siiya, talo ku aadan qofka uu jecel yahay, bal inuu dib ugu noqdo ama dhinac kale ka eego, u qaadaa cadawad, taas oo gaadha in xitaa aragtidiisa uu necbaysto.

Qofka jacaylku hayaa, waxa uu noqdaa gooni joog, waxaanu inta badan daneeyaa inuu cidlo joognimada uga faa’iidaysto, isku maaweelinta qofka uu jecel yahay, waxaanu noqdaa qof sidii uu daawanayo, filim sir ah oo u gaar ah, mar walba doonaya inuu naftiisa gaar u noqdo, sidaa awgeed, waxa uu aad u necbaystaa, qof kasta oo isku daya, inuu dadka soo dhex galo.

Arinta sadexaad ayaa ah inuu aad u hiifo hawlaha loo diro xiliyada uu rajaynayo in qofka uu jecel yahay ay is arki karaan, waxaanu qofku samaystaa jadwal isagu uu dejiyay, oo xiliyadu u kala tilmaaman yihiin, taas oo ay dhici karto in hawl muhiim ahi ku soo beeganto wakhti uu isku qanciyay, in maqal iyo arag mid uun uu kula kulmi karo qofka uu jecel yahay.

Arrimaha kale ee uu ka xumaado qofka jacaylku hayo waxa ka mid ah, dhibaato ku timaada meelaha uu xidhiidhka kala sameeyo cida uu jantay sida telefoonada, internet-ka ama xidhiidhka boosaha haddii uu isticmaalo.

Marka uu joogo meel uu ku sugayo cida rajadiisu ku xidhan tahay ma aqbali karo in wax arin ah ama hawl ah la soo gudboonaato, sidoo kale wuxuu neceb yahay saaxiibtinimada dadka hawlahooda shaqo badan yihiin, kuwa daneeya waxbarashada iyo cilmiga iyo hurdada badan intaba.

Dhinaca talada waalidka iyo dadka ka waaweyn uma arko xal wuxuuna dareema cadaadis badan, waxyaabaha jacaylkiisu ka dalbado cida uu uga baahdo kama ogolaan karo xitaa dib u dhac inuu ku yimaado.

Ugu danbayntii waxyaabaha ay necbaystaan dadka jacaylku hayo waxa ay gaadhaa ilaa cuntada iyo cabitaanka, oo soo noq noqoshadooda awgeed uu u dareemo cadaadis kale oo kalifaad ku ah, waxaana suura gal ah, in marka lala soo qaado ama la waydiiyo wax ma cuntay uu jawaabo aan loo baahnayn ka bixiyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.