WorldRemitAds

Jilaaga Filimada Xarakaatka (Action Movie) aadka ugu caanka baxay ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan hantidiisa oo lagu qiyaaso 130- Million oo dollar uu dhamaanteed ku tabaruci doono, kuna dardaarmi doono in lagu wareejiyo hay’adaha samafalka iyo ururada gargaarka dadka tabaalaysan qaabilsan ee dunida. 

Jackie Chan ayaa sidoo kale cadeeyay in hantidiisa aanu waxba uga tagi doonin wiilka uu dhalay Jesse oo aanu ka dhaxli doonin One Dollar sida uu xusay, Jackie Chan waxa uu hadalkiisan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay caasimadda dalka Shiinaha ee Beijing oo uu kaga hadlayay ama ku soo bandhigayay filimkiisa cusub ee lagu magacaabo, [Chinese Zodiac]. 

Jackie Chan ayaa sababta aanu wiilkiisa aanu dhaxal uga tagay ee uu dhamaan hantidiisa ugu tabarucayo, ku macneeyay mid uu ugu danaynayo wiilka uu dhalay oo uu doonayo inuu shaqaysto oo isaga laftiisu xoogsado hanti u gaar ah, taas oo uga fiican in uu helo hanti aanu u dhididin oo uu ku baaba’o kuna dan seego oo wax kasta ka lugoysa. 

SomlegalAds

Jilaagan ayaa markii hore hantidiisa u kala qaybiyay qoyskiisa iyo ururada gargaarka dunida laakiin waxa uu go’aankiisi hore ka noqday markii wiilka uu dhalay waynaaday ee uu noqday nin isku filaan kara, waxaanu tilmaamay sida ay hantida aabihii ee uu helayaa u lumin karto wiilkiisa isaga oo xusay in wakhti xaadirkan dib u dhaca haysata inanka uu dhalay ay sabab u tahay dhaqaalaha badan ee aabihii iyo ladnaantiisa. 

Jackie Chan waxa uu fanka soo galay isaga oo da’diisu aad u yar tahay, waxaanu muddo dheer soo jilayay filimada Action ka loo yaqaano oo aad uga hodmay dadka badankooduna jecel yihiin qaab matalaadiisa, laakiin waxa uu ku guul daraysatay inuu wiilkiisa ka dhigo jilaa caan ah, waxaanu ilaa wali dhaafi laayahay derajada sadexaad ee jilista filimada, taas oo aanu lacag badan ka kasban karin.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.