WorldRemitAds

Rhine-Westphalia, German, March 24, 2012, (Saxafi) – Dhalinyaro badan oo u dhalatay Dalka Jarmalka oo Muslimiin ah ayaa la sheegay in ay ku qulqulayeen baryahan danbe dalka Somaliya, iyagoo ujeedadoodu tahay inay ka barbar dagaalamaan Kooxda Al-Shabaab.

Dhalinyaradan oo inta badan la wariyay in dhexda lagu qabqabto inta aanay gaadhin Soomaaliya, ayaa haddana waxaa jira in badan oo ka mid ah oo u talowday. In ka badan 100 askari ayaa la sheegay in ay badheen masaajiid ku yaal magalo la yidhaSolingenee dalka Jarmalka dabyaaqadii bishii labaad ee sanadkan, waxa kale oo ay badheen guriyo laga shakisan-yahay dadka ku nool.

Dhowr malmood ka hor laamaha Sirdoonka ee dalka Jarmalka  ayaa waxaa ay sheegeen inay heleen warqad qoraal ah oo lagu soo qoray wiil dhalinyaro ah oo degen waqooyiga degmada Rhine-Westphalia oo ku taal dalka jarmalka. Waxaana warku intaas ku daray oo uu muujiyay in qoraalkaasi ay ku qornaayeen warbixino ka waramaya goobaha laga waddo abaabulka sidii loo kaxayn lahaa dhalinyarada Muslimiinta ah ee la doonayo in la geeyoo dalalka dagaaladdu ka socdaan.  Waxana ay tilmaameen in goobta ugu muhiimsan sidda ay ku doodayaan ay tahay Masaajid ku yaal degmadaSolingenee gobolka Rhine-Westaphalia ee dalka Jarmalka. Iyaddoo dadkaas la abaabulay qorshuhu ahaa inay dhowaan u safri doonaan wadamo aan la shaacin laakiin ay yihiin wadamo ay ka socodaan dagallo  Jihaad ahi. Goob ay bilayska gobolkaasi ay badheen ayaa la sheegay in laga helay tigidho u jeeda geeskaAfrica.

SomlegalAds

Sirdoonka Jarmalku waxaa uu aaminsanyahay sidda warbixintani muujisay in  Masaajidka ku yaalSolingenoo la yidhaa Millatu-Ibrahim ay todobaadyadan ugu danbeeyay ka socdeen kulamo qaarsoodi ah oo ay shakhsiyaad gaar ahi ku abaabuliyeen sidii ay dhalinta muslimiinta ah ee degen wadankaasi uga qayb qaadan lahaayeen Jihaadka ka socdaa qarada Africa, khasaatan geeskaAfrica. Warku waxaa uu intaas ku daray in baadhis ay ku sameeyeen  dambi baadhayaashu ay ka heleen masajidkaas waraaqo dhaxal ah oo reeraha ay ka tagaayan ku xusan yihiin.

Arrintan ayaa waxaa la sheegay inay werwer gelisay hayadaha Sirdoonka iyo bilaayska dalka Jarmalka, iyagoo ka cabsi qaba saamaynta ay ku yeelan karto arrintan soo baxday gudaha dalka Jarmalka iyo saameynta ururka Islaamiga ah ee ka dagaalama dalkaSomaliaee Al Shabaab uu ku leeyahay dhaqdhaqaaqyada Dalkaas.

 Ajaanibka ku jira hogaanka sar-sare ee ururka Al Shabaab ayaa warku sheegay in ay badankoodu ka kala yimadeen wadamada UK,Wadamada Scandenivianka iyo Maraykanka si ay uga qayb qaataan dagaalka ay ku sheegeen in ay kulla jiraan  gaalada ku duushay ee joogta dalka Somalia. Waxaa kale oo Sirdoonka Jarmalku helay muqaalo laga diraySomaliaoo dhalinta ka tagtay dalka Jarmalku ay ku dhiirigelinayaan walaalahooda muslimka ah ee jooga Jarmalka, kuwaasoo ay ugu baqayaan in ay ka qayb galaan jihaadka Islaamiga ah.

Dhalinyaradan ka tagta waddamada Galbeedka oo badaankoodu caqabado kalla kulma marka ay safrayaan dalalka Masar iyoKenya. Sidaas oo ay tahay haddana,  waxa warbixintu sheegtay in ay hay’daha sirdoonku helayaan warar muujinaya in ay dhalinyaro aad u badani gaadhay goobihii ay ku socdeen. Waxana ay si xoog  ah u tageen Soomaaliya sanadkii 2011 oo lagu qiyaasay 500 ila 600 oo dhalinyaro ahi inay gaadheen. “Haddii loo sameeyo isku xidhka safaradda si aan loo dareemin marka ay baxayaan, waxa ay keeni kartaa inay kordhaan tirada dadka ka qayb qaadanaya ee u heelan dagaaladu. Waxana ay fududaynaysaa in ay xaasaskooda   kaxaystaan” Sidaana waxaa sheegay mid ka mid ah khubarada Sirdoonka oo ka gaabsaday in magaciisa la xuso.

Mid ka mid dhalinyaradaas oo ah nin dambiyo la xidhiidha Argagixisinimo lagu eedeeyay sanadkii 2010, islamarkaana waqtigan ku jira kaalinta koowaad ee liistada dadka Jarmalku sidda weyn u raadinayo ‘Germany’s Most Wanted Man,’ waxaa magaciisa lagu sheegay Wuppertal Emrah E. waxaana Sirdoonku tilmaameen in hataan laga shakisan yahay in uu ku suganyahay dalka Somalia. Ninka oo da’diisu tahay 24-jir oo asal ahaan u dhashay dalka Kurdistaan ayaa isaga iyo walaalkii u safreen dalkaPakistansi ay tobabaro u soo qaataan. waxana ay goobtaas kula kulmeen laba kale oo u dhashay dalka Jarmalka, kuwaas oo la aaminsanaa in sanadkii 2010 bishii October 4-teedii ay ku dhiteen guri u kiraysnaa Emrah E, oo ku dhow degmada Mir Ali ayaa warbixintu sheegtay in wakhitgan xaadirka ah loo malaynayo inay ku suganyihiin dalka Somalia, ayna ka qayb qaadanayaan dagaalada ay ururka Al Shabaab ku jirto. In kasta oo bay tidhi warbixintu dhalinyaradaasi ay caqabad dhinaca midabka ah kalla kulmaan Soomaaliya.

Ururka Al Shabaab oo marka la macneeyo luuqda Jarmalka loo yaqaano Dhalinta ayaa bishan horaanteedii la midoobay ururka Caalamiga ah ee Al Qaacida, waxana ay saldhigyo ku leeyihiin koonfurta dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay magaalada Kismaanyo.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.