WorldRemitAds

Boorama, Somaliland, June 16, 2019 (Saxafi) – Shirguddoonka Golaha wakiillada dalka ayaa is hortaagay in la buuxiyo kursigii golahaasi ka bannaanaday markii uu dhawaanta geeriyooday Marxuum Cali Aareeye iyadoo dhinaca kale Ex-wasiir Maxamed Jaamac Abgaal, tallaabada shirguddoonka ku tilmaamay mid sharci darro ah, oo ka hor imanaysa dastuurka dalka lana doonayo in golahaasi laga dhigo 81 xubnood.

Noqo kan ugu horeeya ee hela xog – Ku Biir Boggayaga Twitterka

SomlegalAds

In kastoo aanu shirguddoonku ka hadal arrintan, hase yeeshee warar xogogaal ah ayaa sheegay in shirguddoonka Golahaasi mudane, Baashe Maxamed Faarax laga soo xigtay inuu sheegay inaan sharci loo haynin buuxinta jagadaasi maadaama Marxuum Cali Aaraaye, uu golahaasi ku soo galay xisbul xaakimkii burburay ee UDUB doorashadii 2005 kii, cid magaca xisbigaasi ku dhaxli kartaana aanay jirin isla markaana kursigaasi bannaanaan doono ilaa laga gaadho doorashooyinka soo socda

Dhinaca kale Wasiirkii hore ee Boosaha Iyo Isgaadhsiinta ee Xukuumaddii Madaxweynihii hore ee Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), haddana ah xubin ka tirsan xisbiga mucaaridka ee Waddani, Maxamed Jaamac Abgaal oo ahaa ninkii ugu dhawaa marxuum Aaraaye dhinaca codadka, kursigaasina ku fadhiisan lahaa kuna sugana Boorama, waxana aan ka weydiinnay   dib u dhaca ku yimi buuxinta kursigaasi ayaa sheegay inuu si rasmi ah tafaasiil uga bixin doono waxaanse aaminsanahay ayuu yidhi in tallaabada shirguddoonku tahay mid xadgudub ku ah dastuurka dalka u yaalla ee lagu sheegay in golahaasi yahay 82 xubnood, shirguddoonkuna doonayo inuu ka dhigo 81 xubnood.

Ex-wasiir Abgaal ayaa sidoo kale  soo hadal qaaday in laalista shirguddoonku laalay kursigaasi  xubnaha reer Awdal kaga jira golahaasi ka dhigayso 12 xubnood iyagoo awalba saluugsanaa 13ka xubnood  ee ay diidanyihiin inay doorashooyinka soo socda ee Golahaasi ku galaan.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.