WorldRemitAds

Djibouti, March 31, 2018 (Saxafi) – Dawladda Djibouti ayaa qorshaynaysa Inay iibinayso saamigii ay shirkada DP World ku lahayd dekedda Dooraale. Laakiin, taas waxaa ay shirkaddu ku tilmaantay talaabo kale oo sharci darro ah oo la qaaday ka dib la wareegistii hore.

Dawlada Djibouti ayaa wada hadal la bilawday  shirkadada Maraakiibta laga leeyahay dalka Faransiiska ee French Shipping Company(CMA CGM)  si ay u dhisto Teerminaal cusub oo ku kici doona lacag gaadhaysa $660 millionn oo doolar, kaas oo dhismihiisu socon doono 24 bilood oo xidhiidh ah isla markaana bilaabmi doona bisha September ee sanadkan.

SomlegalAds

Gudoomiyaha dekedaha ee dalka Djibouti Abubakar Cumar Hadi ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay wada hadalka ay kula jiraan shirkada  CMA CGM, waxaanu yidhi “Waxaan doonaynaa inaanu dhisno Teerminaalka dekeda Doraleh kaas oo ah qorshe cusub, waxaanan wada hadal la leenahay shirkada CMA CGM.”

Sidoo kale waxa uu shaaciyey in dawlada Djibouti qorshaynayso inay iibiso saamigii ay shirkada DP World ku lahayd dekeda Doraleh waxaanu mar kale yidhi “Maamulka dekeduhu waxa uu diyaar u yahay inuu joojiyo khilaafka DP World anaga oo joojinaysa qandaraaska xarun kale, isaga oo iibanaya saamiga 33% ee shirkada DP World lahayd.”

Gudoomiye Haddi oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “Waxaan u diyaar garoobaynaa inay bixiyaan saamigooda ah 33%, mana jirto baahi loo qabo dhex dhexaadin, waxaanan doonaynaa inaanu iibsano saamiga shirkadda DP World.”

Dhinaca kalle shirkada DP World ayaa dacwada ay u gudbiyeen maxkamada London ka hor ku tilmaamtay talaabadan mid sharci darro ah iyada oo xustay in sanadkii hore ay maxkamadaasi shirkada ka nadiifisay eedaymihii hore loogu soo jeediyey. Waxaana ay tilmaantay in aanay iyaddu wax iib ah oo saamigeedda la xidhiidha soo hadal qaadin, sidaas darteed ay arrintoodda sharcigu wixii uu kala siiyo ka taagan yihiin. Sida uu sheegay afhayeen u hadlay shirkaddu.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.