WorldRemitAds

Washington DC, March 8, 2018 (Saxafi) – Jeneraalka ugu sareeya Taliska Ciidamada Maraykanku ku leeyahay Africa ee AFRICOM ayaa Xildhibaanada Aqalka Sare Maraykanka (Congress) u sheegay inuu ka cabsi qabo in cawaaqib-xumada ay ciidamada Maraykanka ku yeelanayso haddii ay Shiinuhu la wareegaan maamulka Dekedda Djibouti, taas oo qayb ka ah dedaalada uu Shiinuhu maalinba maalinta ka dambaysa awoodiisa ugu sii fidinayo qaaradda Afrika.

Bishii ina dhaaftay ayay Dawladda Djibouti laashay heshiis ay kula jirtay Shirkadda laga leeyahay Dubai ee DP World oo ka mid ah shirkadaha ugu waaweyn dunida ee Maamulka Dekedaha, taas oo ay maamulkeeda dawladdu toos ula wareegtay kadib markii lagu guulaysan waayey muran soo taagnaa tan bilowgii 2012. Laakiin Shirkadda DP World ayaa tallaabadan ku tilmaantay mid si sharci-darro ah loogala wareegay dekedaas, waxaanay sheegtay inay bilowday dacwad caalami ah oo ka dhan oo ay u gudbisay Maxkamadda London ee Xalinta Khilaafaadka Caalamiga ah.

Hase yeeshee Fadhi dhegaysi ah oo Aqalka Sare ee Maraykanku Salaasadii qabtay isla markaana intiisa badan lagaga hadlay werwerka laga qabo doorka Shiinuhu ku leeyahay Afrika, ayay xildhibaanadu waxay ku sheegeen inay arkeen warbixino sheegaya in Dawladda Djibouti ula wareegtay dekedda si ay hadyad ugu siiso Shiinaha, iyadoo Shiinuhu mar horeba Djibouti ka dhistay Saldhig MIlateri, kaas oo dhawr Kiiloomitir u jira Saldhigga Milateri ee Maraykanku dalkaas ku leeyahay.

SomlegalAds

“Haddii la wareegisteeda Dekeddu yahay sharci-darro, maxaa u diidaya xukuumadaasi inay sifo aan sharci ahayn ku hakiso heshiiska aynu kula jirno ka hor intaanu dhamaan wakhtigii aynu heshiiska kula galnay.” Sidaas waxa yidhi Bradley Byrne oo Xidhibaan ka soo jeeda xisbiga Republican (Jamhuurigga).

Warqad qoraal ah oo loo diray Wasiirka Difaaca Maraykanka Jim Mattis, ayuu xildhibaan Byrne ku sheegay inuu ka werwersan yahay saameynta uu Shiinuhu ku yeeshay Djibouti iyo raadka ay ku yeelan karto ciidamada iyo Sirdoonka Maraykanka ee halkaas ku sugan..

Balse Jeneraalka ugu sareeya Taliska Milateriga Maraykanka ee Afrika, General Thomas Waldhauser, kana mid ah Jeneraalada ugu sareeya ciidamada Maraykanka ee dunida fadhiisimada ku leh, ayaa fadhigaas ka sheegay in haddii Shiinuhu shuruudo ad-adag ku soo rogo isticmaalka dekedda Djibouti ay saameyn ku yeelan doono saadka kala duwan ee loo waddo Saldhigga Maraykanku ku leeyahay Djibouti iyo awoodda Maraakiibta dagaalku ay u yeelan doonaan inay shidaalka halkaas ka qaataan.

“Haddii ay Shiinuhu la wareegaan dekedda, cawaaqibka ayaa noqon doona mid muhiim ah” ayuu yidhi Jeneraal Waldhauser oo ka hadlayay fadhiga dhegaysiga ah ee Aqalka Kongaraska Maraykanka oo ay ugu waramayeen guddi-hoosaadka Arrimaha Ciidamada.

Maraykanka ayaa Saldhigga Milateri ee uu ku leeyahay dalka Djibouti waxa jooga afar kun oo ciidan ah oo ay ka mid yihiin ciidamada hawl-galada gaar ah fuliya iyo ciidamo kale oo ka hawl-gala dalalka Yemen iyo Somalia.

“Waxaa jira macluumaad kale oo sheegay in (Shiinuhu) baadi goobayo meelo kale oo uu dego, gaar ahaana xeebaha bariga… sidaas darteed Djibouti waxay noqonaysaa tii ugu horeysay, waxaa dhici karta inay kuwo badan oo kalena ay suurta-galaan,” ayuu raaciyay Jeneraal Waldhauser.

Sidoo kale, Jeneraal Waldhauser waxa uu sheegay in aanay Dawladda Maraykanku kari Karin inay samayso maalgelinta uu Shiinuhu qaaradda Afrika ka samaynayo, isagoo xusay in Dawladda Beijing dhisayso Dukaamo waaweyn (Shopping malls), dhismayaal dawladdeed iyo garoomo kubadeed.

“Weligeen kama badin karno inay Afrika ku maalgelino inta uu Shiinuhu ku maalgeliyay” ayuu yidhi Jen. Waldhauser isagoo hoosta ka xariiqaya maalgelinta uu Shiinuhu ka sameeyay dalka Djibouti.

Sidoo kale, waxa uu taliyahani sheegay inuu hadda ka fekerayo qorshe dib loogu qoray istaraatijiyadda Milateriga Maraykanka ee Mandaqaddan isagoo buu yidhi maskaxdana ku haya Shiinaha raadka ku yeeshay ee ku sugan gobolka.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibada Maraykanka Rex Tillerson ayaa shalay soo gaadhay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, halkaas oo uu uga bilaabmay socdaal uu ku mari doono dalal badan oo ka tirsan qaaradda Afrika, waxaanu socdaalkani bilow u yahay qorshe cusub ee ay Dawladda Maraykanku doonayso inay soo celiso xidhiidhkii u dhexeeyay wadamada Afrika iyo Maraykanka, kadib markii kulan aqalka cad ee Maraykanka ka dhacay laga soo weriyay hadal gef lagu tilmaamay oo uu Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump kula kacay Madaxda Afrika.

Wadamada uu socdaalka ku marayo Tillerson ayaa waxa ka mid ah Djibouti, Kenya, Nigeria iyo waddamo kale oo galbeedka iyo waqooyiga Afrika ah, hase yeeshee sida ay warbaahinta Maraykanku tibaaxeen socdaalkiisa Djibouti ayaa wuxuu daaran yahay sidii uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu ugala hadli lahaa in aan dekedda Djibouti lagu wareejin Shiinaha.

Mr. Tillerson oo Salaasadii Hadal ka jeediyay Machad ku yaal Maraykanka, ka hor intaanu safarkiisan u soo anbabixin, ayaa si adag u weeraray Shiinaha iyo maalgelinta uu ka waddo Afrika, oo uu ku tilmaamay mid ku fadhida deyn la amaahinayo iyo in kheyraadka dalkaas lala baxayo, isagoo dhinaca kalena ku dhawaaqay in lacag gaadhaysa $533 Milyan oo caawimo ah, taas oo lagu taacalayo abaaraha iyo cunto-yaraan ka taagan dalalka Somalia, Ethiopia, Koonfurta Sudan iyo wadamada galbeedka Afrika.

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.